Waxaa mahad balaadhani u suggnaatay Allihii ina uumay kaasoo ina siiyey nimcooyin gaar ah oo ay ka midtahay nimcadda diinteena islaamka ah, illaahow amaan oo dhan aday kuu suggnaatay. Illihii ii suurta galiyey inaan qoro qoraalkan kooban. Alxamdulilaah yaa Rabbal-Alcaalamiin.
Intaa dabadeed waxaan qoraalkan u hibeeyey hooyaday macaan Aamina Warsame Mohamud illaahay janadii fardows ha geeyee, illaahay ha u raxmado, oo haka mid-dhigo kuwa kitaabkooda midigta laga siin doono illaahay hanugu kulmiyo janadda….. Waxay igu bar-baarisay jawi iyo xayndaab aqooneed, waxay sabab u ahayd waxkasta oo aan ku gaadhay guushayda iyo hormarkayga..
Mararka qaar markii aan dheehdo faalooyin iyo aragtiyo ay bulshadu isku weydaarsato baraha bulshadda, runtii waxay noqdaan kuwo aanan jeclaysan, waxaan arkaa dhalinyaro badan oo kuwada hadlaya ereyo iyo weedho ka turjumaya is nacayb iyo aflagaadooyin aan midba-midka kale u aabayeelayn.
Waxaan arkaa iyadoo wax waliba la siyaasadaynayo loona wajahayo qaab siyaasadeed ama qabiilaysi, xitaa haddii laga hadlayo barnaamij markaa socda oo maslaxada dadka/dalka loogu talagay, qaar baa jira six un wax u eegaya oo eray bixintooda iyo aragtidooda huwinya shaadh siyaasadeed ama qaab qabiileed, intaa dabadeedd haddii aad sii tixraacdo dadyowgaas sida xun wax u eegaya, una yeelaya dha-dhan siyaasadeedd intooda badan waxaad isleedahay waa dad aqoonyahano ah hase ahaatee aragtidoodu noqotay un inay wax waliba siyaasad u beddelaan.
Sida uu xadiiska hoos ku qorani sheegayo, waxaan Eebe ka magan galnay cilmi aan lagu dhaqmayn oo aan muujinayn aqoonta iyo akhlaaqiyaadkaad baratay.
عَنْ زَيْدِ بْنِ أَرْقَمَ قَالَ لا أَقُولُ لَكُمْ إِلا كَمَا كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ
(( اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ عِلْمٍ لا يَنْفَعُ وَمِنْ قَلْبٍ لا يَخْشَعُ وَمِنْ نَفْسٍ لا تَشْبَعُ وَمِنْ دَعْوَةٍ لا يُسْتَجَابُ لَهَا))
O Allah, I seek refuge in you from a heart that is not humble, a soul that is not satisfied, knowledge that is of no benefit and a supplication that is not answered.
“Illaahow waxaan kaa magan galay aqoon/cilmi aan nafac lahayn, qalbi aan qushuuc iyo alle ka cabsi lahayn, naf aan qancayn iyo baryo aan la ajiibayn.”
Waa maxay Aqoontu? Ma inaad shahaado qaadataa? Waase kuma AQoonyahanku?
Marka hore hadii aan eray bixin iyo macno kooban u sameeyo waxa ay aqoontu tahay. “aqoontu waa ogaalka guud oo uu qofka ka haysto xaalad, islamarkaana uu muujiyo ku dhaqankeeda, taasoo aan sababb uga dhigayo inaanay ahaynn aqoontu in shahaado la qaato oo kaliya.
aqoontu waa shay aad u muhiimsan oo uu qofka aqoonta lihi kaga horeeyo kuwa aan aqoonta lahayn, aqoontu waa awood gaar ah oo uu leeyahay shaqsigu, taasaa anfaci karta waqti kasta iyo xaalad kasta.
Aqoontu waa tan dadka kala horumarisa, qaarna dib u dhigta qaarna horay u socodsiisa. Waayo marnaba ma sinaan karaan qof aqoon leh iyo mid aan lahayn. Laakiin ogoow inaanay aqoontu ahayn keliya inaad shahaado qaadato, aqoonta iyo iskaashiga caqliga wanaagansani waxay soo saari karaan waxsoosaar maskaxeed iyo mid kaleba iyadoo la rabo inaa mar waliba quluubtaada ku hayso sidii aad wax uga beddeli lahayd aragtidaada shaqsiyadeed.
Tusaale 1: haddii aynu dib u jaleecno Somaliya intaynaan xoriyadda yagleelin kahor, waxaa jiray oo bulshadda hogaanka u hayey oday-dhaqmeedyo, culumaa’udiin, iyo waxgaradka kale, kuwaaso innagu hagi jiray hadba tigaada iyo wixii horumar u ah geyiga soomaal.
Haddaba su’aashu waxay tahay dadkii hore aqoon malahaaayeen?
Waayahay, weynu ka jawaabeynaa oo waxaan dhahaynaa Haa wey lahaayeen.
Taas waxaan ku caddaynayaa, waxaa hubaal ah in awoowayaasheenii hore iyo hooyooyinkeenii hore ay aqoontu u ahayd adkaynta iyo ku dhaqnka dhaqankeena suuban iyo diinteenaba ooyna ku dhabar adaygi jireen sidii ay ugu dabakhi lahaayeen noloshoodii markaa jirtay.
Tusaale 2: agabka loo isticmaalo guryaha sida weelashii dhamaantood ka samaysnaa dhirteena sida: Dhiilaha, haamaha, hadhuubka caanaha lagu cabo IWM. Dhamaantood waxaa hindisay soomaalidii hore, marka ma is odhan kartaa aqoon ayaa ka madhnayd haweenkii hore ee soomaaliyeed?
Aqoonyahanku waa kan/tan ku dhaqma dhamaan dabeecadaha aqoontu leedahay iyo akhlaaqiyaadkeedaba. Waana sidan hoos ku qoran.
Muxuu yahay isbedelka lagaa doonayo markii aad aqoon barato?
Markii aan leeyahay aqoontu ha badasho shaqsiyadaada, ulajeedkaygu maaha inaan leeyahay muqaalkaaga qofeed iyo kan qaab ahaaneed aad isu badashid, sida inaad koodh iyo tie xidhato, ookiyaalo etc. laakiin arinku sidaa ka weyn.
Aqoontu waa inaad baddesho akhlaaqda iyo dabeecadahaaga shaqsi ahaaneed sida inaad badesho dabeecadahaagii qalafsanaa, waa inaad la timaado habdhaqan wanaagsan. aqoontu waa inaad ka tanaasusho wax waliba oo keeni kara nacayb ama ka cadhaysiin kara shaqsi kale.
Taa badalkeeda waxaad samayn kartaa dabeecado wanaagsan iyo akhlaaqiyaad ka turjumaya waxbarshadii aad juhdiga badan kusoo bixisay si aad u kasbatid asxaab badan kuwaasoo kugu dayan kara wanaagaaga, waxaad dhiirigalin u noqonaysaa tiro badan oo dhalinyaro ah oo aan ku taami jirin inay wax bartaan, waayo waxay arkeen dabeecada qofka aqoonta u saaxibka ah waxayna sawir qurux badan ka qaateen mihnada ay aqoontu leedahay.
Maaha inaad iskumid noqotaan adigiyo kaan weligii iskuul tegin, waa inaad ka duwanaataa, waa inaadan la fikir iyo aragti noqonin, waayo waxaad tahay qofkii hagi lahaa oo gudoomin lahaa ushana u haya kunasoo ridi lahaa jidka saxda ah kan jaahilka.
Dabeecadaha lagaa doonayo inaad yeelato.
- Ahow qof marwalba danta guud ka hormariya danihiisa gaarka ah
- Ka fogow qabyaaladda iyo waxkasta oo abuuri kara nacayb
- Tusaale wanaagsan u noqo dadka wax bartay
- Waji furan yeelo
- U naxariisa dadka qaybihiisa jilicsan
- Haku faanin cilmigaad baratay
- Tabantaabi oo gacan qabo ka doonaya inuu wax barto
- U hambalyee qofkii guul gaadha
- Siyaasadaha qalafsan yaanay ku jiidan
- Asturnaan iyo dhowrsanaan badan muuji haddii aad gabadh tahay
W/Q: Najah Yasin Abdi
Email: najaxya@gmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/najax.yasin
Linkedin: https://www.linkedin.com/in/najah-yasin-2ba452108?trk=hp-identity-name
Twitter: https://twitter.com/najah_abdi