Banaan bax ay ka qeyb galeen Masuuliyiin Culumaa’udiin , iyo dadweyne aad u badan oo ka kala yimid Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay barxada Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.
Banaan baxa ayaa lagu canbaareeyay weerarka Ismiidaaminta ah ee ka dhacay meel ku dhaw Masjidka Nabawiga (NNKH) ee Magaalada barakaysan ee Madiina, waxaana banaan baxan soo abaabulay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiintii banan baxa ka qeybgay ayaa waxaa kamid ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya, agaasimaha guud wasaarada owqaafta iyo arimaha diinta, Sh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed, Sh Nuur Baaruud Gurxan iyo xubno kale.
Banaan baxa ayaa lagu canbaareeyay weerarka Ismiidaaminta ah ee ka dhacay meel ku dhaw Masjidka Nabawiga (NNKH) ee Magaalada barakaysan ee Madiina, waxaana banaan baxan soo abaabulay Hay’ada Culimada Soomaaliyeed.
Afartii bishan ayay ahayd mar qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay meel ku dhow masjidka nabigeena (NNKH), iyadoo wixii markaas ka dambeeyay guud ahaan dunida islaamka si weyn looga cambaareeyay weerarkaas.
PUNTLAND POST