Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XXVIII) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

kabreto

Maalin keliya markii ay doorashada ka dhinnayd waxaa inoo muuqday in dalka Maraykanka uusan wali xiiso u hayn doorashada iyo wax ka soo baxaya ama natiijadiisa ay noqonayso, hadana uu yahay dalka ugu horeyya marka ay timaado saamaynta shisheeyaha ay ku leeyihiin arrimaha ka socda gudaha Soomaaliya, haddii ay tahay ciidan, haddii ay tahay sir-doon, waxaa kaloo aan ogeyn in shirkii Mbagathi ka socda uu Maraykanku ka ciyaariyay door kor-joogta ah ama goob-joognimo. Sidaasoo kale waxaan ka dhex weynay ergooyinkii shisheeye ee maalmihii uu ololaha doorashada kulammada la qaadanayay ama aad arkaysay iyagoo kolba la shirsan murashaxiintii tartamayay kuwoodii lagu tilmaamayay inay ugu muhiimsanyihiin…..
 
Oktoobar 10,2004, subaxnimmadii baan soo galnay goobtii lagu balanasanaa inay codeyntu ka dhacdo. Waxaa shuruudihii tartanka soo buuxiyay ilaa 27 murashaxa oo ku tartamaya xilka madax-weynenimmada Soomaaliya tiro intaas la eg ama wax dheerna maalmihii u dambeeyay bay ka hareen tartanka markii ay soo buuxin waayeen shuruudihii murashaxiinta loo dhigay. Kasarani Gymnasium oo ahayd meesha ay ka dhacaysay codeynta, ammaankeeda aad baa loo adkeeyay, muddoo 3saac oo wax dheer ah ayeey qaadatay in gudaha lagu soo dhammaado; xil-dhibaannadii codeyniyay, goob-joogayaashii Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub, waxaana ay meeshii loogu talo galay ku yaraatay saxaafaddii gudaha iyo dibadda ee tebinayay habka doorashada iyo natiijada ay ku dhammaan doonto.
 
Dadkii qaxaootiga ahaa ee xeryaha ku yaala Kenya ku nolaa iyo kuwii joogay magaallada Nairobi waxay aad ugu faraxsanaayeen in ugu dambayntii shirkii Mbagathi ay ka soo baxay dowlad, nin kasta dhegta ayaa u taagnayd, dadka waaweyn waxay la hayd inay dib ugu laabtaan dalkooda, dad-weyne badan oo ka mid ahaa qaxootiga oo rabay inay goob joog ka noqdaan doorshada dhacaysa ayaa lagu celiyay banaanka meesha ay doorashadu ka dhacayso. Doorashadii waxa ay ku bilaabatay in la dhaariyo dhammaan murashaxiintii tartamayay iyadoo mid kasta lagu dhaarinayo inuu la shaqaynayo madax-weynaha doorashadaa ku soo baxa oo uusan ka hor imaanayn. DHaartaas ay wada dhaarteen murashaxiintii tartamayay siiba kuwii hubaysnaa waxay ahayd astaan iyo rajo dad badan ay rumaysnaayeen inay tahay rajo gaar ah oo uu shirkii Mbagathi dheeraa shirarkii ka horeeyay oo aan sidaasoo kale qabqablaasha hubaysan loo dhaarin jirin ama ka maqanaan jirayba shirarka.
 
DHaarintaas murashaxiinta ka dib waxaa guddoonkii barlamanka iyo iyo guddigii la shaqayniyay ay aqriyeen qoraal ka dheer oo ka hadlayay waxa ay ku dhaarteen ee ay saxiixeen, qaabka doorashada loogu kala adkaanayo iyo inta wareeg ee ay noqonayso iyadoo hadba ay ku xirnaanayso tirade loo baahanyahay in la helo oo la qeexay. Intii uu socday wareeggii u horeeyay waxaa isaga doorashada oo tartanka ka haray labo murashax oo kala ahaa Jaamac Cali Jaamac iyo Xasan Max’ed Nuur (SHaati-Gaduud) sidaas klana wareeggii labaad waxaa isna isaga haray Cabd-Ul-Qaasim Salaad Xasan, doorashada oo lagu gaaray ilaa 11:00-12:00 saq-dhexe ayaa wareeggii 3aad ee u dambeeyay Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu kaga guulaystay Cabdullaahi Axmed Cadow. Isla markiiba Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ergooyinkii shisheeyaha iyo xil-dhibaannadii codayniyay ay u hambalyeeyeen, waxaana goobtii la saaray calankii Soomaaliya iyadoo loo garaacay muusikadii astaanta qaranka….madax-weynihii la doortay waxaa lagu fadhiisiyay kursi weyn oo lagu soo xardhay astaantii Soomaaliyeed (Somali Emblem) ee ka koobnayd labadii Haramcad iyo calankii….
 
Isla habeenimmadaas waqti dambe, waxaa shir degdeg ah hotel Inercontinental Nairobi loogu qabtay xubno ka koobnaa qabqablayaashii siyaasadda oo waxaa la kulmay xubno ka kala socday IGAD iyo Midowga Afrika, kulankaas oo irriduhu u xirnaayeen ayaa la sheegay in Qabqablayaasha loogu sheegay in ninkii isku dayaa inuu dowladda dhisantay dagaal kala hor yimaado ay dowladaha IGAD iyo Afrika  la dagaalamayaan, nin kasta oo wax tabanayana uu xaq u leeyahay inuu si wada hadal ah dowlada ula xaalo.

cirka
 
Muddo gaaban ka dib, isla bishii Oktoober 14, 2004, ayaa madax-weyne Cabdullaahi Yuusuf loo dhaariyay xilkii madax-weynenimmada Soomaaliya, waxaana ka soo qayb galay dad-weyne Soomaaliyeed oo aad u faro badan oo watay calankii Soomaaliya iyo caleemo iyo laamo qoyan oo ay aad  uga muuqato yididiilo ay ka qabaan inay dowlad Soomaaliyeed intay hano qaado dalkii dib ugu laabtaan, kuwaasoo badankood ka yimid xaafadda Eastleigh ee magaallada Nairobi iyo xeryaha qaxootiga. Waxaa iyagana ka soo qayb madax-weynayaal ka kala socday dalalka Afrika, iyosafiirrada dalalka Yurub iyo Carabaha u fadhiya magaallada Nairobi qaarkood….

Hasa yeeshee dalalka munaasabaddaas ka maqnaa ayaa qaarkood maqnaanshahoodu macne samayniyay, waxayna fasiraad u noqonaysay in wali Qabqable kasta oo dowladda ka hor yimaado uu haysto fursad iyo gabood adag oo aysan noqonayn arrin sahlan in IGAD ama Afrikaanka ay wax yiraahdaan. DHaataas ka dib, waxaa isla markiiba bilowday tartan loogu xusul duubayo jagadda ra’iisal wazaaraha,warar aan rasmi ahayn laakiin aan ka helanay ilo aad ugu dhowdhowaa Cabdullaahi Axmed Cadow ayaa inoo xaqiijiyay in Cadow uu aad u danaynayay inuu xilkaas isagu qabto maadaama uu isagu ahaa ninkii ku soo xigay tartankii doorashada, waxaase arrin layska wada garan karo ahayd in Cabdullaahi Yuusuf ay ku adkayd inuu cadow magacaabo marka la fiiriyo xiriirka ka dhexeeyay Cabdullaahi Yuusuf iyo Qabqablayaashii hubaysnaa iyo guud ahaan danaha ka dhexeeyay isaga qabqablayaasha caasimadda gacanta ku hayay……
Beri la soco….