Malaayiin dadweynaha Britain ka mid ah ayaa waxa ay maanta u dareerayaan afti taariikhi ah oo loo qaadayo in lagu go’aamiyo ka sii mid ahaanshaha ama ka bixista ururka Midowga Yurub.
Aftidaan oo ah tii saddexaad ee caynkaan ah abid ka dhacda dalka Britain ayaa waxaa la filayaa in ay codkooda ka dhiibtaan dad lagu qiyaasay 46,499,537 oo qof, kuwaas oo ah dadkii ugu tira badnaa ee afti tan la mid ah ka qayb qaata taariikhda Britain, waxaana cod-qaadistaani imaanaysaa afar bilood oo loollan ay ku jireen kooxaha u kala ol’olaynaya ka bixista Midowga Yurub iyo ka sii mid ahaanshiisa.
Codbixinta ayaa laga qaadayaa guud ahaan qaybaha dalka Britain ka kooban yahay ee Ingiriiska, Scotland, Wales, Woqooyiga Ireland iyo Gibraltar. Natiijada codadka ayaa lagu dhawaaqi doonaa subaxa Jimcaha ee inagu soo aaddan.
Maxaa wacay in afti dadweyne la qabto?
Aftidaan ayaa ku timid ballanqaad uu kal hore sameeyey Raysal Wasaare David Cameron, kaas oo ahaa in haddii doorashada 2015 uu ku guuleysto uu qaban doono afti dadweyne oo looga jawaabayo tabashada ay qabaan xisbiyada garabka midig ee Conservative (oo isagu ka tirsan yahay) iyo UKIP, kuwaas oo ku doodaya in aanay UK u madax bannaanayn arrimaheeda gaarka ah tan iyo sanadkii 1975 oo ah goortii dadweynuhu u codeeyeen in ay Midowga Yurub ka mid ahaadaan.
Xisbiyadaan ayaa ku doodaya in xeerarka Midowga Yurub saameyn ku yeesheen nolosha dadweynaha Britain.
Ururka Midowga Yurub oo la asaasay dabayaaqadii dagaalkii labaad ee dunida ayaa waxaa loo yagleelay si loo xoojiyo ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee dalalka Yurub, iyada oo looga gol lahaa in lagu baajiyo dirir cusub oo reer Yurub ka dhex dhalata.
Isbedello badan oo ururka lagu sameeyey ayaa keenay in Yurub yeelato hal suuq oo oggolaanaya in badeecaddu isaga gudubto suuqyada xubnaha ururka ku midoobay, dadkuna si madaxbannaan isaga kala gooshaan dalalka ururka ka tirsan oo xuduudaha la isku furo.
Waxaa ururku leeyahay lacag u gaar ah oo la yiraahdo Yuuro (Euro), taas oo laga isticmaalo 19 dal oo ururka ka mid ah. Waxaa sidoo kale ururku leeyahay baarlamaan dejiya xeerar iyo qawaaniin saameyn ku yeesha dhammaan dalalka xubnaha ka ah ururka. Xeerarka ururka ayaa koobaya qaybaha kala duwan ee nolosha sida deegaanka, gaadiidka, socdaalka, isgaarsiinta iyo ganacsiga.
Yaa doonaya in Midowga Yurub laga baxo, yaase doonaya in lagu sii jiro?’
Dadweynaha Britain ayaa ku kala qaybsan arrintaan. Xisbiga garabka midig ee Ukip iyo xildhibaanno tiro badan ka tirsan xisbiga talada haya ee Conservative-ka ayaa aad ugu ol’olaynaya in laga baxo Midowga Yurub. Waxaa kale oo jira xubno ka tirsan xisbiga Shaqaalaha oo iyaguna ku doodanaya in Britain ururkaan iskaga baxdo.
Raysal Wasaare David Cameron waxa uu doonayaa in ururka Midowga Yurub aan laga bixin. Waxaa arrintaas ku weheliya wasiirro dawladdiisa ka tirsan iyo xildhibaanno xisbigiisa ka mid ah. Waxaa kale oo in Yurub laga sii mid ahaado aad ugu ol’olaynaya xisbiyada Shaqaalaha, Liberal Democrats iyo Scotland National Party.
Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama, iyo dalalka Faransiiska iyo Jarmalka ayaa iyana doonaya in aan Britain laga saarin ururka Midowga Yurub.