Natiijadii Shirkii Mbagathi iyo Halgankaan Qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-XV) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

pierre1

Uganda wax badan waxay ku celcelisay in Soomaaliya lala safto Dowlad kasta oo shirkaan ka soo baxdanna ciidamo ammaankeeda sugo la siiyo inta ay iyada cagaheeda isku taagayso, waxayna rumaysnayd sida ka muuqatay inay iyaga oo Afrikada –Bari ah ama urur goboleedka IGAD ay ceeb ku tahay inay ku guul daraystaan inay Soomaaliya colaadaha ka saaraan kana dhaqan gelin waayaan Dowlad, waxayna tusaale ka dhiganayeen ECOWAS (Economic Community Of West African States) habkii ay dalalka Afrikada-Galbeed u samaysteen ciidamo ka hor taga qalalaasaha siyaasadeed ee dalalka Afrikada-Galbeed soo wajaha, laakiin taas uma ekeyn mid laysku raacsanyahay oo dalalka shirka hoggaaminaya ay wada qabaan.

Marka aad mid-mid u soo qaado dalalka shirka fadhiyay ama hoggaaminayay arrintaas ma ahayn mid sidaas u dhaqan geli karta, oo Uganda waxaa keliya oo arrintaan ku raaci kari lahaa Eritrea, laakiin waynu soo sheegnay oo Eritrea waddammada shirka fadhiya waxay uga soo hor jeedeen oo dhammaantood ku go’doonsheen colaadda Itoobiya kala dhexaysa iyagoo la safan Itoobiya.

Muddooyinkii uu bilowga ahaa shirka Mbagathi waxaa muuqatay yididiilo macnaheedu ahaa in shirka waxa ka soo baxay ay noqonayso dowlad wax ku ool ah oo dib u hanata talada dalka Soomaaliya, laakiin maalinba maalinta ka dambaysa ee uu shirku sii socdo wax baa is bedelayay, shirkiina wuxuu u ekaaday xarun lagu dersayo dadka meesha laysugu keenay ee shirka loo qabtay….maalin kastaana waxaa soo kordhayay khilaafaad hor leh oo uu shirkii ka dhaqaaqi waayay markii mid la maareeyaba waxaa soo baxaysay mid cusub si aad moodo in si ula kac ah loo abuurayo, oo dhammaantood salka ku haya dano gaar ah oo uu dal shisheeye leeyahay oo loo soo dhiibay qabqable ama dano qabqablaha laf ahaantiisu leeyahay waxaana soo baxayay calaammado muujinaya in qaabkii iyo hannaankii ku socday shirka wax iska bedeleen, in majarihii uu shirku ku sacday ka weecday.

gubtay

Waxaa xusid mudan in qabqablayaashii siyaasadda ay Oktoobar 11, 2003, u yeerteen gudoomiyihii shirka Kiplagat, iyagoo ka cabanaya hadalkii ka soo yeeray madax-weynihii hore ee dalkaas Daniel Arap Moi ee ahaa in Soomaaliya loo dhiso dowlad liidata oo aan xoog lahayn. SHirkaas oo ka dhacay Vision Plaza oo ku taalay meel ku dhow gigada diyaaradaha Jomo Kenyatta, ayaa qabqablayaashu shir-gudoonka si cad ugu sheegeen in dowladda Kenya ay arrintaas raali gelin ka bixiso kana laabato, haddii kale ay shirka lagu kala tegayo, waxay ahayd runtii arrin macno u sameysay ergooyinkii shisheeyaha ahaa ee shirka fadhiyay in kastoo dowladda Kenya ay ku adkaysatay Moi inuusan wakiil ka ahayn dowladda Kenya isla markaasna aysan jirin cid uu xil u hayo….

Labada Ergey ee ka kala socday Talyaaniga iyo Sweden ayaa iyaga waxaa lagu tilmaami kara inay shirkaas si buuxda uga qayb galeen waxaana aad u yaraa maalmaha ay shirka ka maqanaadaan, sida aan ka war hayo Carlo Ongaro ayaa maalinta uu shirka weyn ama madasha guud ka maqanyahay waxaa dhici jirtay inuu hadana ku maqanyahay arrimo shirka la xiriira, Ongaro in kastoo ay ergeda qaarkeed qabeen inuu dhinacyo gaar ah la socdo hadana guud ahaan wuxuu aad isugu hawlay inuusan shirka fashilmin ama uusan dhaqaale la’aan u burburin shirka.

Tuhunka iyo eedaha Talyaaniga laga tirsanayay shirka Mbagathi aad bay uga dhex muuqdeen, waxaana loo haystay inuu dalka Soomaaliya oo uu guumaysan jiray xiriir sokeyana ay lahaayeen uusan tabantaabin markii uu burburay, in uusan gacan ka siin xagga horumarinta dalka intii ay dowladdu dhisnayd, iyo waliba in markii uu qarankii Soomaaliya dumay aan dalka Talyaanigu soo dhoweyn qaxootigii Soomaaliyeed ee tegay. Talyaaniga runtii shirkii Mbagathi gacan weyn buu ka geystay marka la fiiriyo kharajka ku baxay, waxaana sababta ugu weyn ee arrinkaas keentay lagu macneeyay isagoo garowsaday inuusan ka soo dhalaalin kaalintii saaxiibtinimo ee ay Soomaaliya ka filaysay isla markaasna looga hor maray oo laga xigsaday  arrimaha Soomaaliya. Waa wax dhici karay inuu la socdo koox gaar ah ama qabqable ka mid ah ergedii shirka fadhisay, taasna waxaa qasab ka dhigayay erggeda shisheeyaha ah ee shirka joogtay ama xataa mararka qaarkood soo booqanayay waxaa iska cadayd inay lahaayeen saxiibo gaar ah oo ay u yimaadaan danaha ay shirka u yimaadeenna ay kala hadlaan, waxaana garanayaa isagoo hadba qabqablaha carooda meesha uu deggenyahay ugu taga shirka ku soo celiyo.

Marka loo soo noqdo kaalinta Eritrea, Jaamacadda Carabta, Ururka Midowga Afrika, iyo wakiilka Qarmmada Midoobay, ayaa waxaad arkaysaa in arrintoodu ku koobnayd goob joogayaal wixii soobaxa lala socodsiiyo ama talada ay soo jeedinayaan mid wixii lala socodsiiyo ay wax ka yiraahdaan….taas macnnahedda waxaa weeye talada shirka waxay ku urursanayd gacanta dalalka dhowrka ahaa ee aan soo sheegnay;Kenya, Itoobiya, Uganda, Talyaaniga, iyo Sweden, haa waa ay jirtay in qaybaha kale ee erggeda shisheeyaha ah markay dantooda timaado ay soo faro gelin karaan arrimaha laakiin laakiin waddammadaas ayaa hoggaanka shirka Mbagathi gacanta ku hayay.
Hasa ahaatee sida dadka qaarkii u fahmayeen oo ahayd ma ahayn arrinta oo Qarammada-Midoobay iyo Midowga Afrika, waxaa la dhihi karaa shaxda shirka wax weyn bay kala socdeen oo in Itoobiy iyo Kenya gacanta loo geliyo waxay ahayd arrin ku talo gal ah, laakiin ma ahayn sida ay  xubno badan oo erggeda Soomaaliyeed ah ay u fahmeen oo ahayd in dalalka shirka hor boodayay ay gaar talada shirka u lahaayeen, waxaase loo macnayn karaa qorshe laysku ogaa oo sidaas loo yeelay.
Beri la soco…

PUNTLAND POST