David Bell, wuxuu ahaa ergayga Ingiriiska shirkaas u fadhiyay, mar aan qaddar yar sheekaysanaya waxa uu ii sheegay in muddo dheer uu ka shaqayniyay Bariga iyo Koonfurta Afrika, dabeecad ahaan wuxuu nin aad u furfuran marka ay timaado sida uu ula sheekaysto erggeda Soomaalida ah ee shirka fadhisa, marar badanna la kaftama.
Sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah erggeda Soomaalida, wuxuu u sheegay in aqoontiisu ay ku egtahay dugsiga sare, laakiin hadana iyagoo shahaadooyin sare wata oo qaarkood ay yihiin PHD aysan hadana aqoontooda macno lahayn!….Bell, ayaa aalaaba arrimaha shirka marka la soo hadal qaado arrinta Somaliland si bareer ah u difaaci jiray Somaliland inkastoo uusan marna si caddan u sheegin inuu go’itaankeeda taageersanyahay hadana markii wax dhaqaale ah ama laga hadlo arrimo la xiriira horumarinta Soomaaliya isagu wuxuu u doodi jiray in qaybta ay Soomaliland ku leedahay dhaqaalahaas loogu talo galo, waxaana caadi ahaan uu mar kasta ka soo hor jeesan jiray in wax dhaqaale ah la siiyo Soomaaliya oo arrintaas aad bay ugu adkayd, xataa waxaan xasuusnaha markii ay soo guurtay dowladdii Mbagathi lagu soo dhisay u soo guurtay Soomaaliya shir ay dowladda Midowga Yurub ku weydiisatay in laga caawiyo kharashaadka ciidmmada iyo masaariifta adeegga dowladda la xiriira sannadaha hore David Bell wuu is hor taagay wuxuuna soo jeediyay in Midowga Yurub ay bixinayaan 2.7 milion oo ah mushaarrada ciidanka boliiska oo keliya
Siyaabo badan marka dabeecaddiisa la fiiriyo uma ekeyn nin horay wax u wada, tiro badan oo ka mid ah Soomaalida shirka fadhida waxay u arkayeen nin aysan daacad ka ahayn ama aan rabin in shirka uu hagaago waxayna qabeen mar kasta oo uu hadlo uu xiiso abuuro, qabqablayaasha ayaa rumaysnaa David Bell inuu qorshayniyo sidii dowladda shirka ka soo baxaysa uu madax uga noqon lahaa qof ka mid ah qurbo joogta ama Civil Societ, hasa yeeshee mid ay yartahay inay suuro gasho isla markaasna culasykeeda leh, maxaa yeelay xataa ergeda shirka fadhisay ayaan rumaysnayn in qof qurb-joog ah uusan waxaba ka qaban karin heerka dalku joogay isla mar ahaantaasna ay ku adkaanayso meeshuu wax ka bilaabi markuu dalka tago.
Diplomat-siyiinta Maraykanka kaalinta ay mar kasta shirka ku lahaayeen ayaa ahayd mid aad uga duwan kaalinta diplomat-siyiinta kale oo dhan, sida aan qiyaasiyo ama dad badan ay malayniyeen ama qof kasta oo shirka jooga uu arkiyay kaalin aad u kooban ayuu Maraykanka ku lahaa shirkaaas, wuxuuna doorkiisu u ekaa inuu ka shakisanaa in shirku miro-dhal noqonayo, waxaa intaas u dheeraa diplomat-siyiinta Maraykanka inta shirka lagu arko waxaa ka badnayd inta ay gooni-gooni ula kulmaan qabqablayaasha shirka jooga, ama ergooyinka shisheeyaha ah. Xagga dhaqaalihii shirka ku baxay inta la sheegay mar keliya ayuu lacag gaaraysa 100kun oo dollar ah ku deeqay shirkaas labada sano iyo dheeriga socday oo maalin kasta cuntada ka go’aysay ergada ama hoteellada laga soo saarayay, waxaad moodaysay in xubno yar oo ka tirsan ergada shirka joogta uu xiriir gaar ah la lahaa, sida qabqablayaasha Civil-society-ga.
Waxaana xusid mudan ergeda Maraykanka shirkaas u fdhiday inuu ka mid ahaa nin Soomaali ah oo markiisii hore ka mid ahaa shaqaalaha safaaradda Maraykanka oo la oranayay Ibraahim Bur-Saliid, taasoo run ahaantii marka la eego qaynuunka Maraykanka aysan ahayn mid sax ah maxaa yeelay kaalintaas oo kale Maraykanka ninka u galaya waxaa looga baahanyahay inuu yahay nin haysta dhalashada Maraykanka, marka taas lafteeda ayaa waxaad moodaysay calaamad weyn oo muujinaysa inuusan Maraykanka danaynayn shirkaas. Ibraahim ayeey ka muuqatay is ilaalin faro badan iyo inuu had iyo goor rabo inuu ka fogaado saxaafadda, waxaa waliba intaas dheeraa inuusan soo dhex geli jirin erggeda Soomaaliyeed ee uu shirka u socdo.
Waxaa iyagana ilaa 3 ergey oo kale oo aan saantoodu ku badnayan shirka, marka laga reebo Ibraahim Bur-Saliid 3 ergey ee kale caado ahayn sooma fariisan jirin shirka, laakiin waxay la kulmi jireen, shir-guddonka, qaar ka mid ah erggeda kale ee shisheeyaha ah, iyo mararka qaarkood oo ay arki jireen qaar ka mid ah ergeda Soomaaliyeed siiba xubno ka tirsan Bulshada Rayadka ama haweenka.
Marka aad fiiriso, dalalka Asiya saamayn muuqata ku lahayn shirka, waxaase dhici jirtay in sida loo joogo ay mar yimaadaan diplomats ka socda China iyo Japan in kastoo ay shanqartoodu yarayd hadana waxay dhowr jeer gacan ka geysteen bixin kharjka shirka, gaar ahaan waqtiyadii ay bilaabatay in cuntada ay erggeda ka go’do, ergeda labadaas dal ka timaada ayaa badanaa ahaa kuwo ka tirsan safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ay dalalkaas ku leeyihiin.
In kastoo dalalka IGAD iyo Midowga Yurub, siiba dalalka Talyaaniga iyo Sweden oo ay wehliyaan Carabaha ay ku dadaalayeen inuusan shirka kharaj la’aan noqon hadana waayadii dambe waxaa jiray walaac iyo cabashooyin faro badan oo inta badan la xiriiray xagga cuntada ergeda, waxaana in la xuso mudan in dadkii Soomaaliyeed eek u noolaa Eastleigh iyo ganacsatdii ay gacan ka geysteen oo ay dhowr jeer cuntooyin geeyeen xarunta shirku ka socday…
Beri la soco…