Shirarkii hoteellda lagu qabaniyay habeenkii waxay abuureen shaki muran badan ka dhashay, erggedii Soomaaliyeed waxay furteen afkooda, waxay aad uga hadleen ama ug dacwoodeen in erggeda shisheeyaha ah ay habeenkii shirar gaar ah la galaan qaar ka mid ah qabqablayaasha siyaasadda/dagaalka, waxayna si gaar eed ugu soo jeediyeen oo koox ka mid ah SRRC-da (Somali Reconciliation And Restoration Council) ay warqad cabasha ah ka qoreen ergeygii dowladda Talyaaniga ah waqtigaa shirka u fadhiyay, Carlo Ongaro oo ay ku eedeeyaan inuu isaga ka dambeeyay in Muuse Suudi Yalaxow shrika ka baxo isla markaasna uu qabanqaabinaayo shir midka Mbagathi barbar socda inuu ku qabto Soomaaliya gudaheeda, arrintaas waxaa si xanaaq ku jiro buu uga jawaabay Ongaro, isagoo beeninaya, wuxuuna tuhunsanaa in waraaqdaas ay qoreen xubno ka mid ah erggedii Puntland.
Ongaro ayaa ku hanjabay inuusan ka harayn dadkii warqaddaas qoray oo baaritaan ku samaynayo illaa heer maxkamadna uu la fuulayo, taasi waxay cabsi gelisay raggii warqddaas qoray isla markiina Lap Top-kii ay ku diyaariyeen warqaddas baa laga fogeeyay xarunta KCCT ee Mbagathi oo ahayd halkii ay deggenaayeen. Amb.Carlo Ongaro ayaa dabeecad ahaan wuxu ahaa u firfircoon, kuna shaqayniyay fikrad ah in Talyaanigu ugu sokeeyo Soomaalida erggada ee shisheeyaha ah, run ahaatiina siyaabo badan oo ficil u muujiyay intii uu shirka joogay, wuxuuna ku dadaalayay inuusan shirka dhaqaale ka go’a daraaddii marna u joogsan, hadana dhinaca kaleqayb ka mid ah erggada ayaa ku tuhmaysay inuu la socdo koox gaar ah, waxaase aan marna mugdi ku jirin dowlad ahaan Talyaanigu shirkaas danayniyay, uuna ka shaqeeyay inuu noqdo mid mire dhala, waxaana arrintaas ku wehliyay oo sidaasoo kale shirkaas dhankii laga eegaba si hufan shirkaas kaalin muuqata uga qaatay dowladda Sweden xagga dhaqaalaha, iyo waliba xallinta khilaafaadka.
Ergeda Jaamacadda Carabta haddii ay goob-joog ku ekaatay, Eritrea iyadana kaalinteedii la xaddiday, waay iska muuqataa xaaladda shirka sida ay tahay, waxaana run ahaantii si cad shirka kaalin muuqata ku lahaa Itoobiya, Uganda, Kenya iyo Djibouti oo iayadu halgan weyn gu jirtay siday mar labaad talada dalka ugu soo laaban lahayd dowladdii markaas jirtay ee Carte lagu soo dhisay.
Erggeda ka socotay dalka Uganda ayaa u badnaa Generalo shaqada ka fariistay, warkooduna cadyahay marka ay shirka fadhiyaan, in badan hadaladooda waxaa ka muuqan jiray inay ka dhab tahay inay rabaan Soomaaliya oo dowlad ah inay arkaan arkaan, mar kasta oo ay hadal jeedinayaan ama shirka ay ka hadlayaan, hadalkoodana wuxuu ahaa mid bilow ilaa dhammad inta badan ku qotoma in shrikaas uu noqdo mid mira dhala, waxayna had iyo jeer guubaabin jireen dalalka Afrikaan ah ee shirka fadhiya inay qaraan isku qoraan si shirka dhaqaale loogu helo isla markaasna loo kabo dowladda dhismi doonta….
Waxaan xasuustay oraah ku jirtay sheekadii Diplomat-kii aan sheekaysanay oo ahayd in ergooyinka shisheeyah ah uu nin kasta ilaalinayo dan keliya ama labo, oo magac leh oo dalkiisu u soo xil saaray, laakiin dadka wax kasta ka halaysanyihiin ee la rabo in la heshiisiiyo ee Soomaalida ah wuxuu waqtiga uga lumayaa is-qab-qabsi aysan jirin meel uu ku soo dhammaanayo.
Oraahdaas waxaa aad looga dhex arkiyay dhaqanka ergooyinka Soomaaliyeed ee shirka tegay, tusaale ahaan marka khilaaf dhex maro ergada Soomaalida ma dhici jirin cid is raadsata oo ka wada hadasha khilaafka iyo xalkiisa wax keliya ee ay sugaana waxay ahayd kulanka dambe ee IGAD u qabato,waxaa ay lahaayeen dhaqan aan lagu aqoon dabeecadda bin-aadanka oo ay xataa ergedii shisheeyaha ahayd ee shirka la fadhisay ku noqotay la YAAB! wax bandanna ay hadal hayeen, meesha uu salka ku hayo, waa laga yaabaa inaad is tiraahdo waa Munaafaqad, laakiin sidee?!
Waxaa dhici jirtay marka shir laysku maan dhaafo oo uu xirmo in labadii shirka ku muransanaa ay miis soo wada fariistaan oo ku wada qadeeyaan, oo waliba iyagoo isu qoslaaya ay qadada dusheeda ku kaftamaan, laakiin marna iskuma soo qaadi jirin dantii iyo arrimihii ay isku khilaafeen, oo waayo?! Bal adba?! Maxaa yeelay dabeecadda bini aadanka taas kama mid aha, balse malahaaga suuro gal ma kula tahay inay u haysteen in xallinta khilaafkooda ay IGAD shaqadeeda tahay sidaa aawgeedna ay iyada u dhaafayaan ama la sugayaan?!
Wadanka Suudaan ayaan wax ergey oo rasmi ah aysan shirka u joogin, waxaase macquula ah in xog-hayihii guudd ee ururka IGAD Cadha-Allah Xamad Bashiir oo isagu u dhashay dalka Suudaan uu isku hayay ergeynimmada dalkiisa iyo kaalinta xog-hayaha guud ee IGAD, intii uu shirka socday ama ay bil kasta kulmayeen waziirrada arrimaha dibadda IGAD ee iyagu ku hawlannaa shirkaas mar keliya ayaa waziirkii arrimaha dibadda Suudaan Musdhafa Cusmaan Ismaaciil ka qayb soo galay kulankii waziirradii arrimaha dibadda IGAD ee bilaha ahaa. Waxaana loo qaadan karaa in dowladda Suudaan xoogga saartay oo ay ku mashquulsanayd wada hadalladii u dhexeeyay dowladda Suudaan iyo jabhaddii SPLA (Sudan People Liberation Army) ee uu hoggaaminayay Col. John Grang oo ka socday magaallada Nairobi sannadihii 2003-2005.
Wixii ka dambeeyay warqaddii Carlo Ongaro laga qoray waxaan u dhabbo galay dabeecadda erggeda shisheeyaha ah ay shirka ku joogaan, waxaan bilaabay inaan la sheekaysto diplomat-siyiinta kale ee shirka jooga, Afrikaan, Yurub, Carab, Maraykan, waxaana fiirinayay fikradahooda waxyaabahay ku kala duwanyihiin iyo waxyaabaha ay ka midaysanyihiin.
Maadaama diplomat-siyaddu tahay xirfad xudduudaheeda iyo anshaxeeda wadata, waan qiyaasi karayay in wax kasta oo aan weydiiyo ay jawaabahooda ugu yaraan isu dhowaanayaan ama isku mid noqonayaan, laakiin waxaa iyadana jawaab qof kasta ugu filnayd habka iyo sida qofka diplomat-ka shirka u joogo ama uu gacan uga geysto marxaladihii shirka soo wajahay, haddi ay tahay mid dhaqaale ama ay tahay mid la xiriirta xallinta khilaafaadka kooxaha shirka fadhiya.
beri La Soco…
Faafinta Puntland Post