Waxaa xikmad cajiib ah ahayd in dalalka Itoobiya iyo Kenya ay shirka Soomaalida u soo wakiishaan niman Soomaali ah, run ahaantii arrintu waxaad moodaa arrintaas in macne weyn ka dambeeyay oo ujeedo ay ka lahaayeen, ujeeddo ninba si u qaadan karo, laakiin aad moodo inay isugu soo ururaysa inay helaan sarkaal dadkana af iyo dhaqan yaqaan ama fahmi kara, oo ugu yaraan xogaa kalsooni ah gelin kara ama ay dhex mari karto, isla markaasna ah isla markaasna gudan kara waajibaadkiisa. Sida ay dowladahaas qorsheeyeen run ahaantiia waxaa laga agaran karayay oo ay ka muuqatay sida saraakiishaas u soo dhex galeen ergedii Soomaaliyeed ee shirka fadhisay marka laga reebo ergeygii Itoobiya Cabd-ul-caziiz Axmed Adan dabeecaddiisu ay ka duwnayd una ekaa nin cadaadis uu saaranyahay, ama dhanka kalana aysan ergeda Soomaaliyeed ku qabin kalsooni buuxda, waxaana jirta in Cabd-Ul-Caziiz lagu bartay inuu ka fogaado saxaafadda wayna adkayd in xariir lala sameeyo ilaa ay markii dambe saxaafaddu gaartay inay isugu mid noqdaan maqnaanshihiisa iyo joogitaankiisa.
Waxaa taas kaga duwanaa Max’ed Cabdi Afeey, oo isagu laftiisa dal Soomaaliya uu muran siyaasadeed oo xuudeed ka dhexeeyo wakiil uga ahaa shirka, Max’ed Soomaalinimadiisu ma qarsoonayn, waxaase aan meesha laga saari karin saamaynta kala duwanaanshaha labada dowladood ee ay ka kala socdeen, taasna waxaa si cad looga garan karay/karaa inta aan siyaasadahooda lagaba hadlin kala duwanaanta hab nololeedka qaxootiyada Soomaaliyeed ee labada dal ku kala nool, sida ay u kala horumarsanyihiin/horumarsanaayeen, iyo waliba qoomiyadaha Soomaaliyeed ee labada dal ku kala dhaqan. Waxaa si weyn u arkaysaa farqiga gaar ahaan marka aad fiiriso sida Soomaalida Kenya uga mid tahay shacab-weynaha Kenya oo ay meel walba saamayn ugu yeelatay, haddii ay tahay xag siyaasadeed waxaa la heli karaa nin Soomaali ah oo dowladda Kenya wakiil uga ah hay’adaha caalamka, waxaana arkaa sida marar badan aan ka war haynaba in qomiyadda Soomaaliyeed ee Kenya ay door muuqda ku leeyihiin maamulka siyaasadeed ee dalka, waxay sidaas oo kale is-dhex- gal wanaagsan oo xagga macaamilka ah iyo ganacsi qoomiyadaha kala duwan ee dalka Kenya, waxaana suuro gal ah in meel kasta ama gobol kast oo aad tagto dalka Kenya ka hesho dad Soomaaliyeed oo deggan oo ugu nool si aan walaac iyo cabsi midna ku jirin.
Dabeecadaha aan aadka ula yaabi jiray ee ka muujinayay Cabdi-Ul- Caziiz inuusan u madax banaanayn wakiilnimmada shaqada loo soo xil saaray waxaa ka mid ahayd in maalmaha uu adagyahay khilaafka arrimaha shirka uu soo raaci jiray nin ka soo jeeda qoomiyadda Tigre, waxaana marar badan la malayn karayay in Cabdi-Ul- Caziiz ay ku adagtahay inuu gaaro go’aan isagoo keligiis oo uu wax oggolaado ama diido, sidaasoo kalana uu si madax baanaani ah ula sheekaysto ergada Soomaaliyeed ee shirka fadhisay.
Max’ed Cabdi Afeey,waxaa eedeyn aan badanayn uga imaan jirtay sida diplomats-ka kalaba ku dhici jirtay hadba kooxda ama hoggaamiyaha siyaasadeed ee maalintaas shirka wax uga qabsoomi waayaan, waxaana caada ahaan kooxaha shirka jooga dhaqankooda ka mid ahaa in marka arrin ka janjeersato ama maalinkaas dan ay lahaayeen u qabsoomi weydo ay eedda meel kale la aadaan, taasi ulama jeedno in shirku gacan shisheeye ka marnayd, waayo danaha Soomaalida shirka loogu qabtay ma ahayn in jiritaankooda iyo dowlada ay dhistaan oo keliya (waaba haddii sida shirka magaciisu ahaa ay dhab ahaydee) ee waxaa jira dano ku xiran in Soomaaliya ay nabad noqoto dowladna loo dhiso, waxaana cadeeyay dowladda la rabo in loo dhiso nooceeda madax-weynihii hore ee Kenya Daniel Toroitich Arap Moi makii uu ka hadlay Jaamacad Gaashaan-DHigga Maraykanka ku taal Washington Dc, dalka Maraykanka, oo uu sheegay inay doonayaan inay Soomaaliya u dhisaan dowlad itaal daran .
Ismaaciil Geelle, oo isaguna ahaa ergayga dowladda Djibouti shirka uga wakiilka ah wuxuu aad mashquul ugu ahaa soo celinta dowladdii Carte, wuxuuna si madaxbanaani ku jirto ugu sifaysnaa inuu yahay Soomaali laakiin waxaana aad loogu dhaliiliayay inuusan ilaalin anshaxa guud iyo asluubta ergeyga siyaasiga ah looga baahanyahay, wuxuuna aad ugu dhex jiray arrimo hoose oo Soomaalida khilaafaadkeeda ah, wuxuuna ahaa nin xanaaq badan oo aan su’aalaha xamili karin, siyaasiyiinta shirka fadhiya qayb badan oo ka mid ahna ay qabeen inuu la kala saftay dhinacyada is-khilaafsan ee Soomaalida si qaab beeleed ku salaysan halka ergada dowladaha kale lagu eedeeyo inay danaha dowladahooda shirka kula dhex jiraan oo arrimihii shirka ay dhex geliyeen danaha dalkooda. Sida badan Ismaaciil shirarka dhacay wuu ka maqnaan jiray iyadoo uu waliba joogay Max’ed Siyaad Ducaale oo ay wada shaqayniyeen ayuu hadana kursigiisu marnaan jiray, wayna adkayd inuu soo dhex galo ergeda shirka fadhida, sababtu waxay doonto ha ahaatee.
Amb. Ismaaciil mararka ugu badan ee uu shirka joogo waxay ahaayeen mararka uu jiro khilaaf soo baxay ama mararka uu joogo waziirkii arrimaha dibadda Djibouti ee xilligaas Cali Cadi Faarax, sida ay dad badan u arkayeen Ismaaciil waxaa in badan kabay oo uu ku baxsaday Max’ed Siyaad Ducaale oo ka mid ahaa ergada Djibouti xiriir aad u hufanna la lahaa ergooyinka Soomaaliyeed ee shirka fadhiyay, isla markaana ahaa nin marka uu yimaado waziirka arrimaha dibadda Djibouti ee xilligaa uga turjuma afka ingiriiska ee rasmi ahaan shirka luuqadiisa ahaa.
Beri la soco…