Arrintan waxay meesha ka saartay cabsi weyn oo ay markii hore qabeen qabqablayaasha oo ahayd in haddii ay shirka ka caroodaan la xirayo, ama ay noqonayaan dad meel cidla ah ku soo dhacay, waxaana isla markii bilowday shirar meelo mugdi ah lagu qabto oo habeenkii ergooyinka shisheeyaha ah ay si gaar ah ula shirayaan hadba midka ay dan gaar ah ka leeyihiin qabqalayaasha, waxaa iyagana dhinacooda awood dheeraad ah la soo baxay kooxdii Civil Society ama Bulshada Rayadka ahayd oo hadba iyagu aad moodaysay in sida ay wax u wadaan ay tahay siyaabaha inay rabeen inay soo saaraan hoggaan cusub oo aan qabqablayaasha ka mid ahayn, taasina waxay ahayd mid ay si weyn indhaha ugu hayaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee kooxaha hubaysan madaxda u ah, waxaana mar kasta jira xafiiltan aan muuqan oo labada dhinac ka dhexeeya, iyadoo kooxda Bulshada Rayadka quwadda ka dambaysa ee ay ku tiirsanyihiin ay ahayd ergooyinka shisheeyaha.
Waxaa aad kor ugu kacay tartanka ay xubnaha Qabqablayaasha ugu jiraan inay xiriir aad u dhow la yeeshaan ergooyinka shisheeyaha ee gacanta weyn ku leh shirka si ay ugu muujiyaan inay iyaga laftooda ciyaari karaan kaalinta kooxda Bulshada Rayadka ah (Civil Society), taasi macnaheedu waxaa weeye Qabqablayaashii waxay bilaabeen inay adeegsadaan dadkii qurbaha ka yimid ee ay iyagu ku marti-qaadeen shirka, waxaana bilowday mowjad is colaadin ah oo aad u xoog badan oo labada dhinac u dhexeysa. Bulshada Rayadka oo iyadu kursiga shirka ku soo fariisatay marti qaadka Ergooyinka dalalka shisheeyaha shirka u fadhiya waxay handadaad weyn ku haysay Qabqablayaasha oo tuhunsanaa in sababta loo keenay kooxdaas ay ahayd in iyaga oo raali ah laga wareejiyo awoodda ama xataa qayb ka mid ah awoodda, waxaana in la xuso mudan xubnaha ka midka ah kooxda Bulshada Rayadka marka la soo fariisinayo shirka la soo marin jiray Qabqablaha ay isku meesha ka soo jeedaan iyadoo madaxa loogu weynaynayo isna uu ogyahay inuusan diidi karin.
Ergooyinka shirka soo fariisanaya ayaa caadi ahaan waxay ku imaanayeen oggolaanshaha Oday-DHaqmeedyada iyo Qabqablayaasha, hasa ahaatee xubnaha Bulshada-Rayadka waxaa ergeda ku soo daray Ergooyinka shisheeye ee dowladahoodu shirka qabanqaabinayeen ama maal gelinayeen, waxayna isu arkayeen inay mudnaan gaar ah dheeryihiin ergada kale ee shirka fadhisa! Waxaana marar badan dhici jirtay in dad badan ergo ahaan shirka isaga soo fariistaan iyadoo aan la aqoon cidda siisay kaararka (Badge-ka) arrimaha noocaas ah waxay marar badan keenayeen shakiga ah in shirka lagu soo dhex darsaday dad aan ka mid ahayn ergooyinkii rasmiga ahaa dan kastaba ha laga lahaadee. Waxaa dad badan rumaysnaayeen in dadka sidaas oo kale shirka ku soo fariista ay yihiin dad ay keensadeen ergooyinka shisheeyaha ah waxaana loo haystay inay ahaayeen ama loo badinayay in dadkaas ay tirrada ugu badan ay keeniyeen dalalka deriska ah oo ay yihiin kuwo la shaqeeya hay’adaha sir-doonka dalalkaas.
Arrintan ma aysan ahayn mid siyaasiyiinta hoggaamiyeyaashii kooxaha Soomaalida ay ku baraarugsanyihiin, qofka ay keensadaan dalalka deriska ah siduu shirka isaga fadhiyo oo uu u joogo buu mar keliya libdhayaa, malaha marka uu dantiisa dhamaysto, cid ogaanaysa ama joogitaankiisii ama maqnaanshihiisa ka war helaysana ma jirto. Waxaana si caadi ah ergooyinka ka mid noqday dad nooc kasta leh, waa laga yaaba wax qarsoonaa shirka dhexdiisa inaysan jirin oo waxaa macquul ah inaad is weydiinayso basaas shir soo dhex fariistay muxuu xog ah uu ka helayaa?! Muxuu war ah uu ka qaadayaa?!…laakiin sidaas ma aha, ee wuxuu leeyahay saamayn faro badan oo ka duwan kana baaxad weyn xog keliya oo la qaado, dal burburay, dowlad aysan ka jirin, dadkiisii is colaadiyay, lana soo ilaalaystay oo la soo ogaaday….shaki iigama jiro in erggedii shirka fadhisay siyaabo badan wax loogu sheegi jiray….waxaan garanayaa iyadoo qabqablayaasha qaarkood ay ku kaftamaan “Hebel ha isku raacin haddii kale dowlad Hebel baa ka caroonaysa!….Hebel ha isku raacin haddii kale dowlad Hebel baa kaa caroonays!…” qiyaas adiga waxaa laysku cabsiinayey!
Dadka la leeyahay waa la heshiisiinayaa hadana ma wada fariisan karaan, ma wada sheekaysan karaan, ma wada hadli karaan waa kala cabsanayaan, marka is weydii dadka noocaas ah side baa heshiis wax ku ool ah u gaari karaan?! Nin ka mid ahaa ergooyinka shirka fadhiyay, aadna iigu adkeeyay inaan marna magacaabin oo isagu ahaa ergeda qaybaha aan hubaysnayn baa ii sheegay in arrintu aysan sahlanayn, “Ergeda shisheeyaha gaar ahaan kuwa dalalka deriska ah ee xulufada kula ah haddii ay ku arkaan adigoo la tagaan siyaasi aan xulufadooda ahayn, waa inay ogaadaan sababtaad ula taagnayd, waa inaad u sheegtaa waxaad ka wada hadlayseen, waana inaad u cadaysaa inaadan siyaasad ahaan la socon!” mararka qaarkood waxyaabaha aad maqlayso ama ay kaaga sheekayniyaan xubnaha erggeda ah qaarkeed ma aha wax aad rumaysan karayso, waxaase kuu cadaanaya oo keliya in shirka taladiisa xooggeeda ay gacanta ku hayeen ergeda wakiillada shisheeyaha shirka u fadhiya.
Ergadii fadhisay shirka Mbagathi, sida u ii xaqiijiyay nin ka mid ahaa dhallin yaradii Qurbo-Joogta ahayd ee qabqablayaashu ku martiqaadeen shirka, dad badan oo ka mid ahaa dhallintii qurbaha ka tagtay ayaa loo adeegsaday hab basaasnimo iyo inay xogo ka soo ururiyaan dadka ergeda ah ee shirka jooga, wuxuuse ii sheegay in qaar badan oo ka mid ahaa siyaasiyiintii la soo shaqeeyay dowladdii ku-meel-gaarka ahayd ee Cabdi-Qaasim Salaad Xasan oo uu tiradooda ku sheegay ilaa sagaal qof ay camiil u ahaayeen safaaradaha Maraykanka, Ingiriiska, Norway, Talyaaniga, Masaarida, Djibouti, Sacuudiga, laakiin dalalka deriska Itoobiya Kenya, iyo Djibouti iyagu waxay ka dhex shaqeeyaan qabqablayaasha, oo balan qaadyo ayeey u samaynayeen, ama taageero ayeey u sheegaan oo way isku diraan.. isku-dir! Waxaana cibaar ah in dalalka deriska ah wakiillada ay shirka u soo dirsadeen ay dhammaan ahaayeen Soomaali, Kenya Afeey, Itoobiya Cabdul-Caziiz, iyo Djibouti Ismaaciil….
Beri la soco…
Faafinta Puntland Post