Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Mudisho ayaa galabta xarunta Villa Hargaysa ee Madaxtooyada Soomaaliya kulan kula qaatay masuuliyiin ka socotey hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF.
Madaxweyaha iyo Masuuliyiintii ka socotey hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa kulankooda kaga wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa adeegyada caafimaad ee ay hay’adda MSF ka fuliso Puntland isla markaana loosii ballaarin lahaa barnaamijyadaasi caafimaad si loo gaarsiiyo adeegyo caafimaad oo tayo leh guud ahaanba gobollada.
Mas’uuliyiintii ka socotey Hay’adda MSF ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta kala dhexaysa Puntland, isla markaana waxay ammaaneen nabadda iyo xasiloonida k ajirta Puntland, sidoo kalena waxa ay ballan qaadeen in ay dhowaan kusoo kordhin doonaan qaybo kamid ah xarumaha caafimaadka ee Puntland goobo si gaar ah loogu talo galay xannaanada hooyada iyo dhallaanka.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyey hay’adda MSF shaqada muhimka ah ee ay u qabteen shacaka reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu ku boorriyey in ay sii laba jibbaaraan dedaalkooda.
Ugu damayn Madaxweynaha dawladda Puntland aya sheegay in ay dawladda Puntland la shaqayn doonto hawl-wadeenada hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF si’ay bulshada u gaarsiiyaan adeeg caafimaad oo tayo leh.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.