Madaxda Dalka iyo golaha ammaanka oo ka wada hadlaya doorashooyinka

Muqdisho-(Puntland Post)-Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’aysulwasaare Cumar C/rashiid Cali,ku xigeenkiisa Maxamed Cumar Carte iyo qaar ka mida labada gole ee dowladda ayaa waxay kulamo la qaadanayaan xubno ka socda golaha ammaanka ee Qaramada midoobay oo maanta Muqdisho soo gaaray.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadlayaan sidii loo dar-dar gelin lahaa doorashada madaxtinimo ee la filayo iney bisha Augost ka dhacdo Dalka, taasoo ay goob joog ka noqon doonaan wakiillo ka socda beesha caalamka iyo ururro madax bannaan oo daneeya arrimaha Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale waxay madaxda Dowladda isla qaadaa dhigi doonaan adkaynta nada gelyada gaar ahaan xarunta Muqdisho oo la filayo iney ka dhacaan doorashooyinka,waxanay turxaan bixin ku samayn doonaan haddii ayba jirto tabashooyin iyo kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Dalka.

Puntland Post

Golaha Ammaanka 3 Golaha Ammaanka 2 Golaha Ammaanka 1