Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha Masar kana soo kacday Magaalada Paris ee Caasimada Dalka Faransiiska kuna soo jeeday Magaalada Qaahira ee Casimada Dalkaasi Masar ayaa la layahay meel ay jaan iyo cirib dhigtay.
Shirkadda Diyaaradaha Masar ayaa xaqiijisay in xiriirkeedu lumay Diyaaradan oo kasoo kacday Paris kuna soo jeeday Qahira aroornimadii saakay, waxaana saara 56 rakaab ah iyo 10 ahaa Shaqaalihii Diyaarada.
Diyaaradan oo nooceedu ahaa Airbus A320 uuna Duulimaadkeedu ahaa 804, ayaa ku duulaysay 37,000 oo feet taas oo akhbaarteeda la waayey markii ay hawada Masar ku jirtay 16 km.
66-da qof ee saara Diyaaradan ayaa u kala dhashay Dalalka 30-Masar, 15-Faransiiska, 1 Ingiriis, 1-Beljam, 1-Sudaan, 1-Jaad, 1-Burtiqiiska, 1-Algeriya, 1-Kanada, 1-Sacuudi Carabiya iyo 1-Kuwayt, Dadkan dhamaantood waxay saaraayeen Diyaaradan akhbaarteeda la layahay.
Ciidamada Badda ee Dalalka Masar iyo Gariiga ayaa bilaabay inay Diyaaradan raqdeeda ka baadi goobaan Badda u dhaxaysa labadaas Dal.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa Dawladiisa isugu yeeray kulan deg deg ah oo ay ka yeelanayaan Diyaarada la layahay ayna saaraayeen 15 qof oo Faransiiska u dhashay, kana soo kacday Paris.
Sidoo kale Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifitaax Siisi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Dalkiisa u tahay maalin naxdin badan, wuxuuna balan qaaday inay siweyn u baadi goobi doonaan Diyaaradaas, wuxuuna qoysaska ay Dadkoodu saarnaayeen ka codsaday inay isdejiyaan.
Bishii Maarso ee sanadkan ayey ahayd markii Diyaarad ay leedahay Masar afduub lagu geeyey Dalka Qubrus, Sidoo kale Bishii Oktoober ee Sanadkii hore ayaa Dalkaasi Masar waxaa kusoo dhacday Diyaarad ay leedahay Shirkada Diyaaradaha Ruushka taas oo ay ku dhinteen 224 qof, waxaana sheegtay inay soo rideen Kooxda Dacish.
Puntland Post