Yugaandha oo qorsheynaysa inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

Kampala-(Puntland Post)-Dowladda Yugaandha ayaa billowday qorshe ay ciidankeeda ugala baxayso dalalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyada Afrikada dhexe, kuwaasoo qayb ka ah hawl-galka midowga Afrika ee ay qaramada midoobay taageerto.

Af-hayeenka guud ee ciidanka difaaca Yugaandha Col: Paddy Ankunda, ayaa sheegay in guddi loo magacaabay dib u eegista howl-galka ciidankooda ay ka wadaan dalalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyada Afrikada dhexe.

Col: Paddy ayaa intaa raaciyay in dowladdiisu ay qaadan doonto talooyinka uu guddigu ka bixiyo Joogitaanka ciidanka dalkaasi.

Ma ahan go’aankan midkii ugu horeeyay ee kasoo baxo Yugaandha, waxay dowladda dalkaasi horey uga fekeraysay inay ciidankeeda kala soo baxdo Soomaaliya iyo Jamhuuriyada Afrikada dhexe.

Mas’uul sare, oo magaciisa ka gaabsaday ayaa BBC-da u sheegay in Madaxweyne Yoweri Museveni uu u sheegay siyaasiyiin caalami ah oo dalkiisa ku sugan,in dowladdiisu ay soo af-jarayso howl-gallada ciidankiisu ay ka wadaan dalalka kale ee ay nabad ilaalinta u joogaan.

Yugaandha waxaa Soomaaliya ka joogo 6,000, oo Askari,kuwaasoo qeyb ka ah howl-galka midowga Africa ee AMISOM,iyagoo ah ciidamada ugu badan ee nabad ilaalin u jooga dalka marka laga reebo kuwa Itoobiya oo aan la garanayn tiradooda dhabta ah.

Dhowaan ayay ahayd markii ay dowladda Yugaandha ka qaadatay Soomaaliya ciidamo gaaraya 1,800 askari, taasoo loo sababeeyay mushaar la’aan soo wajahday ciidamada midowga Afrika, kuwaasoo dhaqaalaha ugu badan ka heli jiray qaramada midoobay, midowga Yurub iyo midowga Afrika.