Ururka warbaahinta Puntland oo talo kusoo jeediyay in dib loo dhigo doorashada NUSOJ

MAP-640x340Ururka Warbaahinta Puntland ee (MAP) waxa uu si weyn u dhiiri galinayaa mustaqbal wanaagsan iyo madax-banaanida Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUJOS wuxuuna dhinaca kale MAP dareen walaac badan ka muujinayaa qoraalada is khilaafsan ee ka soo baxaya xafiisyo ka mid ah Hey’adda Garsoorka dawladda Soomaaliyeed ee ku wajahan arimaha u gaarka ah Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOj.

Ururka MAP waxa uu sidoo kale tixgalinayaa dareenka warfidiyeenka Puntland ka muujiyeen walaac ay ka qabaan sida haatan ay wax u socdaan iyo kaalinta ay ka ciyaarayaa Garyaqaano iyo Garsoorayaasha Maxkamadaha Soomaaliya qaban-qaabada shirweynaha NUSOJ oo ah khatarta muuqata ee suurtagalka ka dhigeysa in ay sii socoto kala qeybsanaantii horey u ragaadisey NUSOJ.

_“Mawqifka MAP waxa weeye in helo NUSOJ ay ku mideysan-yihiin Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo horseeda horumar iyo in si dhameystiran loo illaaliyo danaha warfidiyeenak Soomaaliyeed,” sidaas waxaa yiri Xoghayaha Guud ee MAP Faadumo Maxamed Maxamuud .

“ Marna guul lagu gaari mayo kala qeyb sanaan iyo in masiirka warfidiyeenka cid kale ay go’aamiso hadii sidaas dhacdo waxaa dhalan doona khilaaf kale oo markale yimaada waxaana masuul ka noqon doona cidii maroorsata tallada iyo hey’addaha dawliga ah ee ku lug leh arimaha NUSOJ” ayuu yiri xoghayuhu.

Ururka MAP isagoo taageersan in la helo NUSOJ caafimaad qabta waxa uu tixgalinayaa tallooyinka ay soo jeediyeen Guddi isku dhaf ah (xubno MAP + xubno kasocda saxaafada puntland) oo 24-30 bisha April loo saarey iney si cilmyeysan u lafa guraan walaaca kasoo yeerey warfidiyeenada Puntland Iyo khuburo falanqeeya xuquuqaha Iyo madaxbanaanida saxaafadeed ee xeer caalami. Gudigani oo ku howlgalay ilaalinta danaha warfideeyanka puntland iyo isku duubnida saxaafada Somaliya – siiba madaxbanaanida iyo cadaalad u helida danaha saxaafada somaaliya Ayaa waxaa u talabixin solo jeediye sida ku xusan hoos:

Tallo Bixin:

Ururka MAP wuxuu soo jeedinayaa in mudo kooban dib loo dhigo wakhtiga loo iclaamiyey inay ku qabsoonto doorashada hogaanka Ururka NUSOJ.

In shirweynaha NUSOJ uu helo sharciyad buuxda oo aan mugdi ku jirin, lana helo damaanad qaad sharci cad oo dhameystiran.

In laga fogaado wax kasta oo sii hurin kara khilaafka jira lana xaliyo tabashooyinka dhinacyada ay khusayso arimaha NUSOJ.

Baaq

MAP waxay Dawladda Federalka ah iyo Hey,addaha Garsoorka ugu baaqaysaa inay dhawraan madax banaanidda Ururka lagana waantoobo soo saarida qoraaladda jahwareerka ee ka soo baxaya hey,addaha garsoorka.
Ururadda caalamiga ee ku lug leh arimaha saxaafada waa in aysan eegan danahooda oo qura oo taageerada ay ku bixiyaan horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed aysan noqon mid waxyeelo ku ah warfidiyeenka Soomaaliyeed oo ay ixtiraamaan mabaadiida iyo xeerarka caalamiga ee nidaamiya caawimaada (Do no Harm principles)

Gunaanad

MAP waxay dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku midaysan NUSOJ ugu baaqaysaa inay u istaagaan sidii loo heli lahaa Urur Xor ah oo ka madax-bannaan qeybsannaa iyo kali-talis maroorsada tallada ururka.
MAP waxaa ay had iyo jeer ka digaysaa in la dulmo xuquuqda wariyaasha Soomaaliyeed oo waxay ku talo bixinaysa in fursad iyo ka qeybgelin wanaagsan laga siiyo dhamaan qeybaha saxaafadeed ee u muhiimka ah howlaha la xidhiidha NUSOJ.Mar kasta waxaa uu ururkan MAP waxey u taagantey mideynta warfidiyeenka iyo warbaahinta Soomaaliyeed sidoo kalena waxey ixtiraameysaa cid walba oo si caafimaad qabba uga shaqeyneysa danaha warfidiyeenka Soomaaliyeed.