Safiirka Talyaaniga ee Somalia iyo saraakiil kale oo maanta soo arkey dekadda Bosaso

Bosaso(Puntland Post) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo ay weheliyaan safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Amb.Fabrizio Marcelli iyo Xoghayaha guud ee urur gobaleedka IGAD Maxmuum Macalin ayaa saaka kormeer ku tagay dekadda magalada Bosaso ee xarunta Gobalka Bari.

Madaxwayne Gaas ayaa masuuliyiintani uga war bixiyay horumarka baaxada leh ee Puntland ka socda gaar ahaan dekada Bosaso oo ah goob aad u mashquul badan, waxayna soo arkeen gudaha dekadda iyo dekadda yarta ah ee loogu talo galay inay ka shaqaystaan Kalluumaysatada magalada.

Danjire Fabrizio Marcelli ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo arko dekadda magalada Bosaso iyo goobo kale oo muhiim ah ka hor inta uusan ka dhoogin garoonka diyaaradaha magalada Bosaso, sidoo kale waxa uu sheegay dowladda Talyaaniga inay mar walba diyaar la tahay garab istaaga Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Xoghayaha IGAD Maxmuum Macalin ayaa dhankiisa sheegay Puntland oo qayb ka ah Soomaaliya inteeda kale ay gaartey horumar muuqda iyo kala danbeyn wuxuu aad ula yaabay sida ganacsiga iyo mashquulka u tahay magalada Bosaso.

Masuuliyiintan oo sidoo kale ka qayb galay xafladdii lagu shaacinayay dhismaha wajiga labaad ee garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa ugu danbeyntii maanta u duulay magalada Nayroobi ee xarunta Kenya.
IMG_8214

IMG_8216

IMG_8218

IMG_8221

IMG_8226

IMG_8228

IMG_8231

IMG_8236

IMG_8239

IMG_8241

IMG_8242

IMG_8246

IMG_8247

IMG_8249

IMG_8251

IMG_8252

IMG_8253

IMG_8255

IMG_8259

IMG_8260

IMG_8264

IMG_8267

IMG_8268

IMG_8269

IMG_8273

IMG_8277

IMG_8278

IMG_8279

IMG_8286

IMG_8289

IMG_8290

IMG_8293
PUNTLAND POST