Madaxwayne Gaas oo sheegay inuu ka fariisan waayay dadka huwan aragtida qabiilka

Garowe(Puntland Post) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo xalay khudbad ka jeediyay munaasibad lagu soo dhawaynayo masuuliyiin ka socota dowladda Talyaaniga, IGAD iyo DFS oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Bosaso ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ugu horayso horumarka Puntland ka socda gaar ahaan dhismaha garoonka diyaaradaha iyo nabad-galyada.

Arrinta xiisa leh ee uu khudbadiisa kusoo daray Dr.Gaas ayaa ahayd in uu caqabad kala kulmay dad aragti qabiil huwan oo maalin kasta hor taagay, wuxuuna sheegay qabiilka iyo qabyaalada inuusan ahayn wixii loo doortay.

”Maalin walba irada qof kasto iga soo galaa ahi aragti qabiil buu huwan yahay, wuxuu igala hadlaa waa qabiil, marka haddii 24-saac u fadhiyo inaan kar kariyo qabiil oo ka shaqeeyo qabyaalad iyo reer hebel maxay helayaan ,waxaad ii doorateen ma ahan baan u malaynayaa iyo waxa meesha aan u joogna, marka waxaan u baahan nahay inaan aragtideena is-badasho” sidaa ayuu yiri madaxwayne Gaas.

Madaxwayne Gaas ayaa sheegay furaha horumarka inuu yahay ammaan, sababta loogu soo ordayanaya Puntland ay tahay ammaanka ka jira, waxa kale uu xusay inay sidii Al-Shabab ula dagaalami doonaan cid kasta oo ammaanka qal-qal ku ah.

Hadalka madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa kusoo aadaya xilli dadaal xoogan siyaasi kasta ugu jiro sidii uu xubinta aqalka sare iyo tan hoose u heli lahaa, taasoo laga dareemayo deegaanada Puntland.

PUNTLAND POST