Wasaaradda waxbarashada Puntland iyo WFP oo furay mashruuca quudinta ardayda dugsiyada dhexe

Garowe(Puntland Post)-Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland iyo Hay’adda cuntada aduunka ee WFP ayaa maanta si wadajir ah ufuray mashruuca quudinta ardayda dugsiyada hoose/dhexe ee Puntland, iyadoo WFP ay si rasmi ah u wareejisay qalabkii quudinta oo la gaarsiindoono dugsiyada loogu talo galay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Cabdulqaadir Cusmaan ayaa la wareegay qalabkaan oo loogu talo galay in dugsiyada Nawaawi, Sheerbi, Kob-dhexaad, Xarfo, Widhwidh, Caroley iyo Siinaay loogu sameeyo barnaamijka quudinta.

Maxamed Cabulqaadir ayaa sheegay muhiimada laga leeyahay quudintaan inay tahay, in kor loosoo qaado heerka nafaqada ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe si ay u noqdaan kuwo caaafimaadkooda wanaagsan yahay oo tamar u leh waxbarashadooda.

Masuuliyiinta waxbarashada iyo hay’adda WFP ayaa sida wadjair u sheegay in mashruucaan uu si toos ah mardhow u bilaabandoono islamarkaan waxay sheegeen in horey loo dhisay goobihii quudinta ardayda.

Dhinaca kale, agaasimaha wasaaradda waxbarashada ayaa kormeeray dugsiga sare Nawaawi halkaasi oo uu kula kulmay ardayda iyo maamulka dugsiga wuxuuna ka xog-waraystay heerkooda waxbarasho iyo udiyaar garowga imtixaanka sanad dugsiyeedka oo kowda bisha May la qabandoono.

Agaasimaha ayaa rajeeyay ardayda guul iyo mustaqbal wanaagan, wuxuuna kula dardaarmay inay ku dadaalaaan waxbarashadooda.

Bishii actobar ee sanadkii 2015, wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise ayaa dhagax dhigay mashruucaan.

IMG_0743

IMG_0745

IMG_0747

IMG_0754

IMG_0755

IMG_0756

IMG_0758

IMG_0761

IMG_0762

IMG_0763

IMG_0766

IMG_0768

IMG_0769

IMG_0773

IMG_0781

IMG_0800

IMG_0802

IMG_0818

IMG_0819

IMG_0820

IMG_0821

IMG_0822

IMG_0823

IMG_0825

IMG_0826

IMG_0827

IMG_0829

IMG_0830

IMG_0832

IMG_0833

IMG_0834

IMG_0837

IMG_0839

IMG_0840

IMG_0842

IMG_0843

IMG_0845

IMG_0846

IMG_0847

IMG_0848

IMG_0849

IMG_0850

IMG_0851

IMG_0852

IMG_0853

IMG_0854

IMG_0858

IMG_0863

IMG_0869

IMG_0875

IMG_0878

IMG_0879

IMG_0882

IMG_0883

IMG_0888

IMG_0889

IMG_0890

IMG_0898

IMG_0905

IMG_0906