Wafti ka socda wasaarada Deegaanka oo booqday Biyo-xireenka Bilcil oo markii ugu horaysay biyo qabtay.

Wafti balaaran oo ka socda wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL oo uu hogaaminayey wasiir kuxigeenka wasaarada Faarax Cali ayna kamid ahaayeen agaasimaha guud ee Wasaarada Muna Daahir Dalmar, saraakiil ka tirsan wasaarada iyo maamulka degmada Dangorayo ayaa maanta booqday Biyo-xireen dhawaan wasaaradu ay ka hirgelisay Toga Bilcil oo kuyaala duleedka degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal Biyo-xireenkan ayaa markii ugu horaysay qabtay biyihii roobka oo awal khasaari jiray.

Biyo xireenka Bilcil laga dhisay ayaa ah biyo xireenkii labaad ee laga dhiso mashruuca la qabsiga iyo tacaalida isbedelka Cimilada kaasoo oo ay iska kaashanayaan wasaarada Deegaanka dawlada Puntland iyo Hay’adda UNDP, waxaana biyo xireenkan loo sameeyey si loo hakiyo loona yareeyo biyaha badan ee dhulka ka khasaara kuwaas oo ku darsama badda, biyo xireenka aya sidoo kale loogu talagalay in uu abuuro dhul daaqsimeed Degen oo ay dadka iyo duunyaduba ku xisaabtamaan biyaha.

Agaasimaha waaxda la kaladuwanaanshaha iyo la qabsiga cimilada ee wasaarada Deegaanka Mudane, Maxamed Ciise Maxamed oo biyo xireenka korkiisa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegey in inkasta oo degmada dangorayo uusan qaban roobkii Guga hada ay tahay wax lagu farxo in Biyo xireenku uu qabtay biyo kasoo rogmaday Togga islamarkaasna ay imika ku jiraan biyo lagu qiyaasay 8000m3 isagoo sheegey inay rajaynayaan in biyo intaas kabadani kusoo dhacaan, wuxuuna sheegay in tani ay saacadiso in dadka reer Guuraaga ahi ay islameeshooda biyo ku filan ka helaan islamarkaasna ay u ilaaliso waqtigii, gaadiidkii iyo lacagtii awal uga bixi jiray inay meelo fogfog biyo u doontaan.

Agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Muna Daahir Dalmar ayaa sheegtay inay ku faraxsanyihiin inay soo booqdaan Biyo Xireenka Bilcil islamarkaasna biyaha uu imika qabtay ay ka turjumayso in lagu guul gaaray shaqadii loo sameeyey Biyo Xireenka islamarkaasna ay rajaynayaan in ay tahay farsamo cusub oo Oonka iyo Biyo la’aanta looga gaashaamanayo, maamulka Degmada Dangorayo iyo dadka Reermiyiga ah ee halkaas kusugnaa ayaa Iyana soo dhaweeyey Biyo xireenkan iyo islamarkiiba sida ay faa’iidadiisu u muuqatay.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Mudane, Faarax Cali Cabdi ayaa sheegey in ay rajaynayaan inay sii wadaan samaynta Biyo xireenada noocan oo kale ah sanadkaan gudihiisana ay samayn doonaan biyo xireeno badan kuwaasoo buu yiri ay doonayaan inay awoodooda isugu geeyaan sidii loo yarayn lahaa Biyo la’aanta islamarkaasna loola tacaali lahaa abaaraha soo noqnoqda, waftiga ayaa intaas kadib kormeer ku tagay Bohosha Qol-qol oo ay wasaaradu imika kawado shaqo culus oo Bohoshaas logu joojinayo iyadoo ay Bohoshaasi sii fidaysay awal kuna dhawayd inay Laamiga wayn ee iskuxira gobolada Puntland kala jarto.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13