Arday sagootin loogu sameeyay deegaanka Kalabayr gobolka Nugaal

GAROWE(Puntland Post)-Munaasabad lagu sagootinayay 19 Arday dhammaysay dugsiga sare Nageeye ayaa lagu qabtay deegaanka Kalabayr oo qiyaastii 60KM dhinaca Koonfureed ka xigta caasumadda Puntland ee Garowe.

Xafladdan oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin kasocota wasaaradda waxbarashada, guddoonka waxbarashada gobolka Nugal iyo dadka deegaanka ayaa dardaaran iyo talooyin loogu soo jeediyay da’yarta dhammaysay waxbarashooda heerkii saddexaad islamarkaana waxaa lagu boorinayay inay bilaabaan heerka xiga ee Jamacadda.

Maamulaha iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Nageeye Axmed Maxamed Yusuf “Japan”, ayaa sheegay in dugsigan la aas-aasay sannadkii 1975-tii, wixii xilligaasi ka dambeeyayna uu soo maray marxalado kala duwan iyadoo 2010 loo sameeyay dugsi sare.

“Runtii Iskuulkan wuxuu leeyahay taariikh dheer, waxaana ka baxay Arday tiro badan oo dunida dacalladeeda wada jooga, waxaana farxad noo ah inaan maanta joogno xaflad aan ku sagootinayno dhalinyaradeeni waqtiga badan nala joogay,”Ayuu yir Japan.

Gudoonka waxbarashada gobolka Nugal Xaashi Xusen Farax, ayaa farxad ku tilmaamay munaasabaddan ay goob jooga u yihiin, isagoo sheegay inaysan jiri doonin badal loo samaynayo ardayda dhigata Nageeye, wuxuuna ujeedka arrintaasi ku sheegay inay doonayaan qaabkii magalada iyo dadka joogaba loo kobcin lahaa.
Qaar kamid waxgaradka deegaanka iyo asaasayaashii iskuulkan, ayaa bogaadiyay ardayda iyo macalliinta wax ka dhigta oo qaybtood ka yimaadeen degmada Borama ee gobolka Awdal, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin wax kasta oo aqoonta lagu hormarinayo.

Gudoomiyaha deegaanka Kalabayr Xasan Salaad ayaa qurba joogta iyo dhammaan bulshada reer Puntland usoo jeediyay inay ka taageeraan agabyada waxbarashada iyo qaabkii Dugsigu u noqon lahaa mid magac leh.

Suldhaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ahaa duub dhaqameedkii kasoo qayb galay, ayaa sheegay in tuulooyinka oo muhiimadda la siiyaa abuurayso inaan la isku ciriiryin magaalooyinka islamarkaana wuxuu duco iyo ammaan u soo jeediyay da’yarta qalin jabin doonta isagoo kula dar-daarmay inay aqoonta maadiga ku daraan diiniga oo muhiimadda siiyaan.

“Runtii waxaa hadal qiimo leh ka hayaa madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole waqtigii dugsiga sare lagu darayay iskuulka, wuxuuna ahaa; Yeynaan noqon dad qaarka sare ka cayilay ee aan noqon dad dheeli tiran, taas oo macnaheedu tahay in la dhiiri galiyo tuulooyinka, hadii dugsiyada sare loo diidiyo soo magaalooyinku buuxsami maayaan oo deegaanada kale faaruq noqon mayaan,”Ayuu hadalkiisa ku daray Suldhaan Siciid Maxamed Garaase.

Dugsigan ayaa ah goobta kaliya ee Ardayda deegaanka Kalabayr wax ka bartaan, waxaana jira baahiyo dhawr ah oo sheegteen maamulka iyo Ardayda kuwaasi oo kala ah; Buugaan, Internet iyo Laboratory, waxayna wasaaradda Waxbarashada Puntland ka codsadeen inay ka tageerto arrintaasi.
IMG_8896

IMG_8888

IMG_8886

IMG_8717

IMG_8706

IMG_8675

IMG_8673

IMG_8659

IMG_8652

IMG_8633

IMG_8624

IMG_8622

IMG_8611

IMG_8598

IMG_8595

IMG_8574

IMG_8558

IMG_8551

IMG_8547

IMG_8528

IMG_8519

IMG_8512

IMG_8493

IMG_8487

IMG_8484

IMG_8478

IMG_8473

IMG_8468

IMG_8466

IMG_8462

IMG_8458

IMG_8453

IMG_8450

IMG_8445

IMG_8444

IMG_8440

IMG_8438

IMG_8435

IMG_8433

IMG_8432

IMG_8428

IMG_8425

IMG_8422

IMG_8418

IMG_8417

IMG_8415

IMG_8414

IMG_8407

IMG_8406

IMG_8399

IMG_8389

IMG_8385

IMG_8375

IMG_8371

IMG_8363

IMG_8361

IMG_8360

IMG_8358

IMG_8352

IMG_8349

IMG_8346

IMG_8334

IMG_8328

IMG_8327

IMG_8325

IMG_8324

IMG_8323

IMG_8321

IMG_8317

IMG_8314

IMG_8311

IMG_8309

IMG_8308

IMG_8306

IMG_8303

PUNTLAND POST