Wasaradda waxbarashada Puntland oo soo saartey xeerka tacliinta sare ee Puntland

Garowe(Puntland Post) Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntand ayaa maanta daah furtay muqararka cusub ee dugsiyada hoose/dhexe ee Puntand, kaasoo markii ugu horeysay si rasmi ah looga dhaqan gelindoono gobolada iyo degmooyinka

Muqararkaan oo muddo dheer lagasoo shaqeynayay ayaa meesha ka saaridoona muqararadii kala duwanaa ee lagasoo amaahan jiray meelo ay kamid ah tahay Kenya, kuwaas oo aan ka turjumaynin wadaniyada dalkeena Soomaaliya, lagana dhaxli jiray isbarbaryaac waxbarasho.

Maxamed Cali Waaberi oo katirsan hay’adda AET ayaa sheegay in sagaalka gobol ee Puntland loo qeybiyay muqararkaan, taasoo ka dhigan in Puntland ku guulaysatay muqarar midaysan oo laga hirgalinayo dugsiyada hoose/dhexe, kaasoo lagu diyaariyay Luuqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska.

Cabdalla Yuusuf Muuse oo katirsan dadkii soo qoray muqararkaan ayaa sheegay muqararka in lagu daray waxbarashada madaniga ah, sida caafimaadka, maamul wanaaga, nabada iyo xalinta khilaafaadka iyo farta iyo shaxanka, wuxuuna intaas ku daray in la kordhiyay xiisadaha ardayda iyo waqtigooda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Maxamed Cabdulqaadir Muuse ayaa balanqaaday inay wasaaradda waxbarashadu dhaqan gelinayso muqararkaan islamarkaana lagu tababaridoono macalimiinta dugsiyada dhexe, wuxuuna nasiib wanaag ku tilmaamay in wasaaraddu isku howshay Muqarar dhameystiran oo ka turjumaya diinta, dalka iyo dhaqanka.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay muqararkaan inuu yahay meesha bulshada dhan laga hogaamindoono, sidoo kalena wuxuu sheegay inuu raad ku leeyahay ardaydu sida ay ukala wanaagsan yihiin iyo macalimiinta wax dhigta.

Wasiirka waxbarashadu wuxuu sheegay dal aan manhaj iyo muqarar midaysan lahayn inay lamid yihiin xoolo kala galay howdka, wuxuuna intaas ku daray in aduunka lagu xisaabtamo qiimaynta manhajka. Ugu dambayn, wasiirka waxbarashadu wuxuu sheegay inay u halgamayaan sidii in arday waliba si sahala ku helo buugaagta muqararka.
IMG_0695

IMG_0699

IMG_0701

IMG_0705

IMG_0707

IMG_0709

IMG_0712

IMG_0713

IMG_0714

IMG_0715

IMG_0719

IMG_0720

IMG_0722

IMG_0724

IMG_0727

IMG_0728

IMG_0731

IMG_0733

IMG_0735

IMG_0736

IMG_0737
PUNTLAND POST