Shirweynihii todobaad ee Gudiga-Haga Mashruuca “Deegaanku Waa Noloshaada” oo lagu qabtay Garoowe

Garowe(Puntland Post) Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa martigelisay shirweynihii Todobaad ee gudiga haga mashruuca “Deegaanku Waa Noloshaada” kaasoo ka dhacay xarunta dhexe ee wasaarada waxaana shirkan shirgudoominayey wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame iyadoo ay ka qaybgaleen wasiir kuxigeenka wasaarada Faarax Cali Cabdi, agaasimaha guud ee Wasaarada Marwo. Muna Daahir Dalmar, shaqaalaha wasaarada, madaxa midowga Yurub u qaabilsan Mashruuca Mrs. Pouline iyo bahwadaagtooda Care, ADESO iyo FOA.

Mashruuca “Deegaanku waa Noloshaada” oo ah Mashruuc midowga Yurub uu Puntland ugu deeqay sanadkii 2013 islamarkaasna soconaya afarsano ayaa loogu talalagalay sidii dib loogu soo noolayn lahaa deegaanka hoosna loogu dhigi lahaa gaajada iyo sugnaan la’aanta Cuntada (Food Security), ayaa shirkiisa todobaad waxaa looga hadlayey waxyaabihii u qabsoomay bahwadaagta mashruuca, wasaarada iyo midowga Yurub sadexdii bilood ee lasoo dhaafay waxaana si gaar ah xooga loogu saarayey sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta wasaarada iyo bahwadaagteeda.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo shirka furay ayaa sheegey in shirkan looga hadlayo sidii loo qiimayn lahaa hormarada laga gaaray mashruucan, tubta uu imika ku soconayo mashruucu iyo sidii loo xoojin lahaa awooda wasaarada ee dhinacyada maamulista Mashruuca, dabagal iyo Kormeer joogta ahna ay wasaaradu ugu samayn lahayd Mashruuca, wasiirku dhanka kale wuxuu sheegey in ay muhiim tahay in waji kale oo Mashruucan la furo si looga hortago khatarta sii fidaysa ee ka jirta deegaanka.

Shirka ayaa intuu uu socday waxaa waxqabadkooda la dhagaystay hay’adaha ka shaqeeya Mashruuca “Deegaanku Waaa Noloshaada”, hormaradii ay gaareen iyo arimaha imika u yaala, waxaana ugu danbayntii la isku afgartay in lasii laba jibaaro shaqada loo hayo bulshada gaar ahaana ilaalinta khataraha ka jira deegaanka sida Boholaha iyo sidii loo raadin lahaa in Biyo-Xireeno iyo mashaariico kale loogu helo dhulka si dadka iyo Duunyaduba ay ugu noolaadaan, wasiirka Wasaarada Deegaanka Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa gabagabadii shirka hadyad gudoonsiiyey madaxa midowga Yurub u qaabilsan Mashruucan taasoo uu ugu mahadceliyey sida ay marwalba u garab istaagaan wasaarada.
_DSC3809

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

13

14

15

16

18

19

20

21

21_1

22
Puntland Post