Waa sidee jawiga magalo madaxda Puntland ee Garowe ka dib roobkii xalay ka da’ay?

Garowe(Puntland Post) Wajiga maanta oo Tallaado ah magalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa ka duwan sidii hore, ka dib markii xalay fiidkii uu ka da’ay roob lagu diirsaday oo mudo ka badan hal saac socday.

Waddooyinka muhiimka ah iyo laamiga ayaa saaka lagu arkayay biyo jiifo, sidoo kale dadka ayaa iska waraysanayay meelaha kale ee uu roobkan gu’ga qabtay.

Maalmihii lasoo dhaafay cilimadda Caasimadda ayaa ahayd mid kulul, balse maanta sidaa way ka duwan tahay oo waxaa la dareemayaa jawi dhexaad ah.

Deegaanada kale ee Gobalka Nugaal iyo Karkaar ayaa laga soo sheegayaa inuu roobku qabtay, kaasoo aan wax dhibaato ah u gaysan dadka iyo duun-yada.

Meelo badan oo ka mid ah Puntland ayaa laga soo sheegayaa abaaro aad u xooggan kuwaasoo hadda la wado dadaalo dadka gurmad loogu fidinayo.

PUNTLAND POST