Puntland oo loogu baaqay inay muhiimada siiso dhalinyarada wax ku bartay dalka

Garowe(Puntland Post) Cabdiqaadir Abshir Muuse (Guray) oo ka mid ah dhalinyaradda ku nool magalada Garowe ayaa Olale xooggan ugu jira sidii dhalinyarada wax bartey qayb uga noqon lahaayeen dowladda cusub ee dhalan doonta, ka dib markii laga heshiiyay hanaanka lagu wajahayo.

Cabdiqaadir Guray ayaa sheegay inay muhiim tahay dhalinyradu inay joojiyaan tahriibka isla markansa ay xoogga saaraan sidii ay dowrkooda horumarinka waddanka u muujin lahayeen, maadama inta badan dhalintu ku mashquushay inay dalka ka cararaan.

Wuxuu soo jeediyay dowladda inaysan shaqo siin dadka baasaboorada dalalka kale wata ee shaqada usoo raadsanaya waddanka muhiimadana la siiyo Ardayda wax ku bartay gudaha ee u baahan shaqooyin, Cabdiqaadir Guray ayaa sheegay in arrintaasi ay xitaa yareyn karto tahriibka faraha kulul dhalinta ku haya.

Inta badan xafiis-yada bulshada loogu addeego waxaa lagu abaal mariyaa dad dibadda kasoo laabtey qaarkoona Olale u galay masuulka xilka ugu sareeya dalka raadinaya.


PUNTLAND POST