Wasiirka Amniga Puntland oo laamaha amaanka ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta bedel bedelka

Garowe(Puntland Post) Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magalada Garowe ayaa dhaliilay laamaha ammaanka oo uu sheegay inaysan waxba ka hir galin amaro ay soo saareen oo ay xilli hore ku war galiyeen laamaha ammaanka, mamulka gobalka iyo kan degmada.

Wuxuu sheegay amarkii ugu danbeeyay ee ahaa in Puntland mamnuuc ka yahay ganacsiga Itoobiyaanka ee loo yaqaan Bedel bedel kaasoo kusii xoogaysanaya deegaanada Puntland, amarkaasi ayuu tilmaamay inuusan weli fulin, wuxuuna sheegay qof kasta in shaqadiisa lagu dabo galayo lagunala xisaabtamayo xafiiska ay fadhiyo.

”Qoraal baan waxaan kasoo saarney dadka wareejiyaasha ah wasaradda amniga iyo wasaradda arrimaha gudaha ayaa soo saartay, anigoo gurigayga kasoo baxaya oo aan xafiiska tagina yaa waxaa iigu soo horeeyay wareejiyaha Bedel bedel, waxaan lee nahay qof kasta shaqada uu lee yahay waa lagu dabo galayaa”.

Qarjab ayaa horay u sheegay inay mamnuuc tahay ganacsiga Bedel bedel oo ay sameeyeen dad Itoobiyaan ah, waxa uu sheegay ganacsigaasi inuusan wax faa’iido ah u lahayn maadama uu ka hor imaanaya kii muwaadinka ee fadhiga ku ganacsanayay.

Su’aasha la is-waydiinayo ayaa ah sababta uu u dhaqan gali la yahay go’aanka ay wada-jirka usoo wada saareen wasaradaha Amniga iyo Arrimaha gudaha.

PUNTLAND POST