Gabdhaha Gobalka Nugaal oo maalintii 2-aad biyo dhaamin ka wada tuulooyinka abaartu ka jirto

Garowe(Puntland Post) Gabdhaha reer Puntland ee kasoo jeeda Gobalka Nugaal ayaa ka jawaabay qaylo dhaan xooggan oo kasoo gaartay qoysas abaarta iyo biyo la’aantu ku saamaysay in ka badan 10 tuulo oo hoos yimaada qaarkood Caasimaddda Garowe.

Wajiga labaad ee biyo dhaaminta ayay diyaariyeen 19-booyadood kuwaasoo mar kale loo diray goobaha biyo la’aantu sida darran uga jirto.

Gudoomiyaha guddigan gurmadkan ee haweenka ah Marwo Barni Ciise ayaa sheegtay in loo baahan yahay in lasii wado tan iyo intey wax iska badalayso xaaalada qoysaska abaartu gaartey, waxaa kale lagu wadaa haddii uu roobku yimaado in gurmadka loogu badalo cunto iyo agabka guryaha.

PUNTLAND POST