Xildhibaan Mustafe ”madaxwayne ku xigeen shacabkii aad beenta u sheegteen maxaad ku qancinaysaa”

CamayGarowe(Puntland Post) Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo shalay daah furay kalfadhiga aan caadi ahayn oo uu Baarlamaanka Puntland ku meel marinayo guddiga doorashooyinka ayaa soo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa taasoo uu kaga hadlay xaalada Puntland, arrimaha siyaada, dagaalkii Al-Shabab lagu jabiyay, ammaanka iyo abaaraha.

Marka laga yimaado arrimahaasi xildhibaanada Baarlamaanka ayaa su’aalo dhowr ah ka waydiiyay sababta Puntland ku kaliftay inay qaadato nidaamka 4.5 oo markii hore shacabka loo sheegay Puntland inaysan qaadan doonin wax kasta oo la sheego nidaamkasi iyo sida lagu qancin karo shacabkii markii hore laga dhaadhiciyay.

Xildhibaan Mustafe Bille Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka aya si cad u waydiiyay madaxwayne ku xigeenka waxa uga qorshaysay dhismaha maxkamadda dastuuriga ah taasoo lagama maarmaan u ah in lagu kala baxo marka ay yimaadaan arrimaha noocaan oo kale oo dastuuriga ah, waxa kale uu Xildhibaanku sheegay inay ka donayaan shacabkii beenta loo sheegay wixii lagu qancin lahaa ama ay wanaagsan tahay inay is-casilaan waa sida uu sheegay.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in Puntland ay dishay 4.5 oo mar danbe aan lagu soo laaban doonin, wuxuu Camay sheegay inaysan wax been ah sheegin dowladduna ay diyaar u tahay hir galinta maxkamadda Dastuuriga ah.

Fadhiga Baarlamaanka inta uu socdo waxaa looga hadlayaa sidii tilaabo looga qaadi lahaa tahriibka oo ay dhalinyaro faro badan ku le’deen badaha Talyaaniga, Liibiya iyo Masar iyo sidii shacabka looga qancin lahaa su’aalo badan oo ay shacabku is-waydiinayaan.

PUNTLAND POST