Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo kormeer ku tagay deegaano Sool ka tirsan

Garowe(Puntland Post) Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” ayaa safar shaqo ku tagay deegaano kala duwan oo hoos taga degmada Laascaanood ee Gobolka Sool , waxaana si weyn loogu soo dhoweeyey degmooyinka u dhexeeya Caasimadda Garoowe iyo Degmada Tukka-raq ee Gobolka Sool.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” ayaa kulamo kala duwan la yeeshay nulshada kala duwan eek u dhaqan deegaanadii uu booqday, wuxuuna ka waraystay xaaladaha arrimaha bulshada isagoona u sheegay in Dawladda Puntland ay wax qabad muuqda ka samaynayso arrimaha bulshada.

Wasiirka ayaa dadweynaha ku dhaqan deegaanada uu booqday waxa uu ku adkeeyey inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan isla markaana ay ilaashadaan wada jirkooda si isku mid ahna ay uga hor tagaan cid kasta oo ammaanka dhibaataynaysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” ayaa sidoo kale booqday Kastamka Degmada Tukka-raq, isagoo la kulmay masuuliyiinta kala duwan ee gacanta ku haysa kastamka, wuxuuna kula dardaarmay inay muujiyaan dedaal dheeraad ah si kor loogu qaado kasoo baxa kastamka.
_MG_7974

_MG_7981

_MG_7983

_MG_8000

_MG_8030

_MG_8038

_MG_8043

_MG_8061

_MG_8068

_MG_8080

IMG_7973

IMG_7984

IMG_7988

IMG_7990

IMG_7993

IMG_7995

IMG_7999

IMG_8001

IMG_8021

IMG_8087

IMG_8091
PUNTLAND POST