Baarlamaanka Puntland oo maanta cod u qaadaya meel-marinta Gudiga Doorashooyinka

Garowe(Puntland Post) Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Axad ah Cod aqlabiyad leh ku meel mariyey Gudiga Doorashooyinka Dawlada Puntland, oo lagu wado inay Dalka ka hirgeliyaan Hanaan Dimuqraadi ah.

Sagaalka xubnood  ee guddiga ayaa maanta hortagay fadhiga aan caadiga ahayn ee Baarlamaanka, waxayna halkaasi ka soo jeedinayeen taariikh nolaleedkooda iyo aqoontooda halka ay gaarsiisan tahay.

Markii ay soo dhamaatay Tariikh nololeedkii xubanahay ayey waxaa gacanta u taagey 50 xildhibaan oo soo xaadiray fadhigii maanta, taas oo ka dhigaysa inuu gudigani maanta laga bilaabo si caadi shaqooyinkiisa u guda geli doono.

Madaxwaynaha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa soo magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka Puntland, waxayna mudo dheer sugaayeen Meel-marinta Baarlamaanka.
1

2
PUNTLAND POST