Gabdhaha Gobalka Nugaal ee dalka iyo dibadda oo biyo dhaamin ka sameeyay tuulooyin Nugaal ka tirsan

Garowe(Puntland Post) Gabadhaha Puntland gaar ahaan Gobalka Nugaal ee jooga gudaha iyo dibadda ayaa bilaabay Olale xooggan oo lagu bad baadinayo qoysaska abaarta iyo biyo la’aantu ku saamaysay qaybo ka mid ah gobalka Nugaal.

Dhaqaale ay soo aruuriyeen gabadhaha Gobalka Nugaal ee dibadda ku maqan ayaa waxaa biyo dhaamin loogu sameeyay wajiga hore in ka badan 10-tuulo oo laga soo sheegay abaaro iyo biyo la’aan xooggan, guddi ay gabadhaasi iska dhex sameeyeen oo ay madax u yahay Barne Ciise ayaa shalay galab biyo dhaaminta ka sameeyay degmada Garowe iyo tuulada Rabaable.

Guddigan gabadhaha ah oo ka kooban lix xubnood ayaa ayaa tan iyo xalay biyo dhaaminta ka waday Gobalka Nugaal, xilli ay warbaahinta kula hadleen tuulada Rabaable ayay sheegeen inay tahay tabarucaad ay ugu talogaleen in lagu samata-bixiyo qoysaska dhibaataysan.

Suhuur Xaashi Hambo ayaa sheegtay biyo dhaanka wajiga koowaad inay ugu talo galeen tuulooyinkan kala ah, Kor-qori,Abaareey, Gol-dheer,Dacarre, Kor-cawood, Tuulo-ooman,Rameeti, Birta-dheer,Berri,cad Ceelwacayseed iyo Sallax-ley.
Gudoomiyaha guddigan Gabadhaha ah ee biyo dhaanka bilaabay oo la yiraahdo Barni Ciise ayaa sheegtay inaysan joojin doonin gurmadkan deg deg ah, waxay cadaysay dhaqaalaha wajiga koowaad inay soo direen qurba joogta haweenka ah ee Gobalka Nugaal, sababta biyo dhaankanna loo sameeyay yay ku sheegtay inay timi markay arkeen muuqaalo naxdin leh oo laga soo duubay qoysaska ay abaartu ku saamaysey qaybo ka mid ah gobalka Nugaal.

Waxay ugu baaqeen shacabka reer Puntland dal iyo dibad inay ka qayb qaataan gurmadka lagu bad baadinayo nolasha qoysaska reer guuraaga ah, waxay gudaha ka fureen akoono si dhaqaale wax loogu qabto qoysaskaasi loogu aruurinayo.
Gabadhaha qurba joogta ee Gobalka Nugaal ayaa horay uga soo qayb qaatay caawinta isbitaalka Garowe, kan lagu xanaaneeyo dadka dhimirka la’a iyo garab istaaga ciidanka difaaca Puntland gaar ahaan kolkii dagaalka lagula jiray kooxda Al-Shabab.

Haddii aad doonayso inaad ka qayb qaadato gurmadka loogu jiro bad baadinta qoyska tabalaysan kusoo dir wixii dhaqaale ee aad awooda Talleefonadan iyo akoomadan.

Acount-GOLIS ah , 460632, number sahal-oo gudaha dalka ah 0907858893. haddii aad dibadda joogto waxaad kusoo diri kartaa Acount- IFTIN- GRW062 iyo AMAL- 812583, waxaad kala xiriiri kartaa, Faaduma Maxamed Aar 252907742928.
10

9

8

12

7

6

5

4

3

2

1
PUNTLAND POST