Baarlamaanka Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay guddiga doorashooyinka

DSC3725Garowe(Puntland Post) Barlamaanka Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay guddiga doorashooyinka KMG ah ee Puntland, guddigaas oo shalay horyimid kalfadhi aan caadi ahayn oo barlamaanka ufurmay.

Ilaa 50 xildhibaan ayaa codkooda ku taageeray ansixinta guddiga, waxaana ka aamusay oo aan codkooda dhiiban labo mudane, sidaasina waxay ku noqotay in guddiga hadda laga bilaabo uu haysto xasaanada barlamaanka.

Gudoomiyaha barlamaanka Axmed Cali Xaashi ayaa kalfadhiga soo xiray, isagoo u hamabalyeeyay guddiga doorashada islamarkaana wuxuu kula dardaarmay inay waajibaadkooda kasoo baxaan islamarkaana ay dardar geliyaan shaqooyinka culus ee horyaala.

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa barlamaanka uga mahad celiyay ansixintooda, iyagoo balanqaaday inay kasoo bixidoonaan waajibaadkooda qaran, waxaana lagu wadaa inay iska dhex doortaan gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen.

PUNTLAND POST