Jeey ”xoogaygii difaaca Dalka ayuu u dhintay waxaan codsanayaa in la isoo caawiyo”

Garowe(Puntland Post) Maxamuud Xirsi Jeey oo ka mid ah Odayaasha ay saamaysay abaarta ka jirta Gobalka Nugaal ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Puntland ka codsadey inay caawinaad u sameeyeen maadama xoolihii inta badan ay gaajo iyo haraad uga baqtiyeen.

Oday Jeey oo ku jira Da’da Sagashan-ka ayaa Jubbaland Tv uga waramay xaaladiisa wuxuu sheegay inuu xooggiisii uga dhammaaday difaaca dalka hadana uusan haysan wax garab gala, waxa kale uu sheegay wiilkiisii reerka oo ka mid ahaa ciidanka difaaca Puntland uu ka dhintay hadana uusan haysan wax qoyskiisa taageera.

”Waxaan doonayaa in la iga samir siiyo wiilkaygii iga dhintay oo wax la ii qabto, xiliyadda jiilaalka isagaa garab ka heli jiray haddana wax i taakuleeya ma haysto, biyo iyo baad ayaan ka codsanayaa shacabka iyo dowladda”.

Maxamuud Xirsi Jeey ayaa xoolo kooban oo abaarta uga bad baaday hadda ku raax duleedka tuulada Rameeti oo ka tirsan Gobalka Nugaal, waxa kale uu sheegay in xoolaha qaarkood ay xaafada iska fadhiyaan lana kici waayen gaajo iyo oon, wuxuu dadka Soomaaliyeed ka codsaday inay sanadkan garab qabtaan.

Fadlan walaal muuqaalkan oo aad u xanuun badan hadaad daawato moobilka laga heli karo Odaygaan iyo qoyskiisa waa kan oo dhaqaale ku taageer.

00252907207987

PUNTLAND POST