Sagaal tuulo oo ka tirsan Gobolka Nugaal oo laga soo sheegayo abaar iyo biyo la’aan baahsan

2016221635916525904861021Horn_of_Africa_famine_Oxfam_01Garowe(Puntland Post) Xaalladda abaarta iyo biyaha la’aanta laga soo sheegayo qaybo ka mid ah Gobalka Nugaal ayaa gaartey heerkii ugu danbeeyay ka dib markii biyo muddo labo maalmood ah laga waayay ceelka Yoonbeys oo ahaa kan ay dadku biyaha ka cabi jireen.

Deegaanada abaarta ba’ani ka jirto waxaa ka mid ah Yoonbays,Awr-culus iyo kuwo kale, wariyaha Puntland Today oo goobaha abaaraha safar ku aaday ayaa soo sheegaya inuu indhihiisa ku arkay baqdiga xoolo faro badan oo waddooyinka iyo goobaha dadku deggan yihiin waran.

Dadka uu la kulmay waxay u sheegeen in heerkii haystay labo tiro oo xoolo ah ay hadda u hareen 70-neef, taasoo cadayn u ah baaxada abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta Gobalka Nugaal.

”Ceelka Yoonbays waxaan kula kulmay Gawaari nooca biyaha qaada oo labo maalin biyo u joogay balse ceelka laga waayay wax biyo ah, waxayna taasi keentay gaarida labaatan qaadka ah inuu deegaanadaasi biyaha ku geeyo qiimo ahaan lacag gaaraysa $200, mana ahan dhaqaale ay dadka goobahaasi deggan ay xamili karaan, waxaana biyahaasi looga keenaa tuulada Rabaable iyo magalada Garowe.

Maxamed Xirsi Garweyne oo ka mid ah Odayaasha tuulada Awr-culus oo qiyaastii magalada Garowe u jirtaa 60KM ayaa Radio Garowe u sheegay in xaalada abaartu marayso heerkii ugu danbeeyay ayna haddii aan gurmad lala soo gaarin deegaano uu sheegay inay sagaal gaarayaan xaaladu is badali karto.

Garwayne ayaa sheegay abaarta iyo biyo la’aanta inuu ALLAAH ka dul-qaadi karo balse shacabka iyo dowladda looga baahan yahay in gurmadka ay wadaan dhinaca gobalka Nugaal-na lala soo gaaro.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa shacabka iyo hay’addaha caalamiga ah ugu baaqay inay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha oo sii fidiya, waxaana la iclaamiyay 25-ka bishaan roob doon alle looga baryayo inuu abaarta ka dul-qaado.

PUNTLAND POST