Wabiga Shabelle oo biyo badan keenay maanta iyo shacabka oo alle uga xamdi naqay

Jowhar(Puntland Post) Webiga Shabelle oo mara Gobalada Shabeelada dhexe iyo Hiiraan ayaa maanta keenay biyo badan, ka dib markuu uu guray maalmihii lasoo dhaafay caqabad badana ay lasoo daristey dadka ku xiran webiga iyo deegaanka.

Shacabka magalada Jowhar ayaa la arkayay iyagoo alle uga mahad celinaya in webiga uu biyo badan keenay maadama uu guray bilihii lasoo dhaafay, waxaana dadka beeralayda ah ay hadda u dhaqaaqeen sidii wax soo saarka beeraha loo kordhin lahaa maadama webiga uu sidiisii hore kusoo laabta, waxayna kusoo aadaysaa arrintan xilli dalka intiisa kale ay ka jirto abaaro iyo biyo la’aan isla markasna uu daahay roobabkii gu’ga iyo dayrta.

Dad ku sugan degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in biyo badan oo calaw ah uu soo socdo, waxaana laga cabsi qabaa hadii biyo badan uu keeno wabiga inuu fatahaad dhacdo.

Wabiga Shabelle ayaa xiliyada guga loogaga bartay inuu ku fataho deegaano badan oo ka mid ah gobolka Sh/dhexe iyo Sh/hoose.