Go’aankii Puntland kasoo saartay Itoobiyaanka maacuunta wareejiyo oo aan dhaqan galin

BedelGarowe(Puntland Post) Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo warbaahinta kula hadlayay 12-ka bishaan xafiiskiisa magalada Garowe ayaa sheegay inay go’aan kasoo saareen Itoobiyaan maacuunta ku wareeji xaafadaha magaalooyinka kuwaasoo Soomaalida u taqaan ”Bedel bedel”.

Go’aanka ayaa ahaa inay mamnuuc in Itoobiyaanka aysan maacuunta ku wareejin karin xaafadaha taasuu uu sheegay wasiir Qarjab inay caqabad ku tahay ganacsiga Soomaalida dalka u dhashay iyo xagga ammaanka oo uu sheegay inay suurta-gal noqon karto inay basaas yihiin.

Laamaha ammaanka iyo mamulada dowladda hoose ayuu sheegay inay ku amran yihiin inay joojiyaan ganacsiga Itoobiyaanka, kaasoo ay maacuunta dadka kaga badashaan dharka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan kuwa dadka waa weyn.

Wixii ka danbeeyay go’aankaasi waxaa muuqata inuusan dhaqan galin waxaana xaafadaha magalo madaxda Puntland ee Garowe lagu arkayaa Itoobiyaanka oo sii xoojiyay ganacsigooda maacuunta, waxaana ay aad ugu badan yihiin xaafadaha kuwaasoo dadkuna ay toos dharkooda ugaga badalayaan maacuunta oo aan xitaa tayadooda lasoo baarin.

Qaar ka mid ah dadka ku nool Caasimadda Puntland ayaa u arka ganacsiga Itoobiyaanka inay wax kala ku hoos duugan tahay marka loo eego sida xowliga ah ee ay ugu soo badanayaan gudaha Puntland.

Mid ka mid ah kuwa Bedel bedelka oo magaciisa kusoo kooban Ibraahim kana soo jeeda qabiilka Tigree ayaa sheegay inuu maalmo kooban jooga Puntland uuna ku cusub yahay, wuxuuna intaasi raaciyay inuu yahay Muslim, waxayna taasi cadayn u tahay sida uu ganacsigan ugu sii xoogaysanayo Puntland.

PUNTLAND POST