Baarlamaanka Puntland oo go’aano adag kasoo saaraya dhalinyarada tahriibaysa

Garowe(Puntland Post) Gudoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo dowladda hoose Baarlamaanka Puntland Mudane Maxamed Axmed Jaceel ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay socdaalka tahriibta oo ay ku le’deen boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed.

Xildhibaan Jaceel ayaa sheegay inay u badan yihiin dhalinyarada tahriibaya kuwa reerkoodu ladan yihiin iyo kuwa Jaamacaddo loo dirsaday wuxuna sheegay inay tahay ayaan daro ku habsatay dalka, suurta galnimada in Baarlamaanku tilaabo kasoo saaro socdaalka tahriibta ayuu sheegay in Baarlamaanka fadhigooda deg deg ah horgeyn doonaan lagana soo saari doono go’aamo cul culus.

Wuxuu soo jeediyay in wadajir looga hortago falalka tahriibta maadama boqolaal dhalinyaro ah ay ku waayeen mustaqbalkooda inta u dhaxaysa Suudaan, Liibiya,Masar iyo Talyaaniga, wuxuuna ku baaqay arrintaan in deg deg looga howl galo.

Dhowaan ayay ahayd markii doon ay saarnaayeen Tahriibayaal u adan Soomaali ay ku degtay biyaha u dhaxeeya Masar iyo Talyaaniga, waxaana halkaasi ku dhintay Soomaali badan taasoo keentay in si weyn looga hadlo arrintaa la iskuna waydiiyo sidii looga hortagi lahaa.

PUNTLAND POST