Wasiirka Cadaalada Puntland oo ku baaqay in la caawiyo dadka soo barakacay

Garowe(Puntland Post) Wasiirka Cadaalada, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntlan ayaa maanta kormeer ku tagay mid ka mid ah kaamamka Barakacayaasha ee magalada Garowe, wuxuuna u guur galay xaaladooda siday tahay maadama badanaa goobaha dadkan ay kasoo yeerto cabashooyin la xiriira xagga nolasha iyo biyaha.

Saalax Xabiib Jaamac ayaa tagay kaamka barakacayasha Waashitoon ee Garowe wuxuuna gaarsiiyay mucaawino shaqsi ahaan ugu talo galay inay u noqoto bilow balse wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay mar walba ka war qabaan walaalahooda daruuftu haysato isla markasna la gaaraan raashiin, biyo iyo daawo.

Wasiirka Cadaalada ayaa sidoo kale culimada ugu baaqay inay gurmad u sameeyeen qoysaska danyarta ah ee aan waxba haysan kuwaasoo ku nool xeryaha barakacayaasha ee Puntland, wuxuuna sheegay qof kasta oo muslim ah inuu waajib ka saaran yahay caawinta walaalkiisa kurbaysan.

Wasiirka ayaa sheegay inuu kaamkan kusoo arkay dad xanuunsan, war bixintoodana u gudbiyay wasaradda arrimaha gudaha, si wax looga qabto waxayna wasaradda arrimaha gudaha balan qaaday inay si deg deg ah u gaari doonto goobaha war bixintu kasoo gaartey.

Waa masuulkii ugu horeeyay oo deeq shaqsi ahaantiisa ah gaarsiiyay Barakacayaasha qaar ka mid ah, taasoo waddada u jeexaysa in masuuliyiinta kale ee xilalka hayaa ay ku daydaan.
1

2

3

4
Puntland Post