Maxaabiistii laga qabtay Al-Shababkii Puntland soo weeraray oo waxbarasho loo bilaabay

Garowe(Puntland Post) Wasaradda Cadaalada, diinta iyo arrimaha dhaqan celinta Puntland ayaa maanta bilowday nidaamkii wax lagu bari lahaa dhalinyaradii ciidanka ammaanku kusoo qabteen dagaalkii kooxda Al-Shabab lagu jabiyay ee ka dhacay Garcad iyo Garmaal oo ka kala tirsan Mudug iyo Nugaal.

Wasiirka Cadaalada Puntland Saalax Xabiib Jaamac oo maanta ku booqday maxaabiista Al-Shabab ee ku xiran xabsiga wayn ee magalada Garowe ayaa sheegay inay macalimiin wasaraddu u qabatay dhalinyaradda howlgalka DANAB lagu soo qabtay kuwaasoo dhaqan celin loogu samaynayo xabsiga, waxaana la baranayaa diinta iyo maadiga si looga saaro fikirka khaldan ee lagu soo shubay.

Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar ayaa soo dhaweeyay tilaabada wasaarada Cadaalada ugu jirto sidii carruurta dagaalka lagu soo qabtay dhaqan celin balaaran loogu samayn lahaa waxa kale uu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin dadaalka socda.

Dhalinyaradda dagaalka lagu soo qabtay ayaa hadda loogu wadaa xabsiga dhaqan celin,waxaana la barayaa dhaqanka Soomaalida, diinta iyo taariikhda dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST