Gabar Sawir qaade ah oo Kismaayo ka bilowday olale wax lagu barayo carruurta kabaha baalasha

Kismaayo(Puntland Post) Sahra Cabdiqadir Carte oo ka mid ah Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool magalada Ksimaayo ee xarunta Gobalka Jubbadda hoose ayaa qaaday tillaabo ku dayasho mudan, taasoo wax badan ka badali karta dhalinyarada sida khaldan u fikiraya.

Sahra Carte ayaa magalada Kismaayo ka bilowdey Olale cusub oo carruurta aan fursada u helin waxbarasho wanaagsan lagu barayo sida wax loo qoro, tilaabadaasi waxay noqotey mid ay soo dhaweeyeen dad badan oo aad u isticmaala baraha bulshadu ku xiriirto sida Facebook, Sahra oo qayb ka mid ah waqtigeeda ka siiyay wax barista carruurta danyarta ah ee ku shaqaysta baalashak kabaha (Caseeye) ayaa ka warantay waxay dareemayso hadda iyo sababta ay u bilowdey.

”Runtii waan ku farax sanahay waraysigan, waxaan dareemay in la joogo waqtigii aan ka qayb qaadan lahaaa wax barista carruurta aan haysan waxbarasho, waxaan ahay Gabadh jecel inay dalkeeda iyo dadkeeda wax u qabato taas annoo ka duulaya ayaan saddex ka mid ah carruurta kabaha baalasha waxaan u bilaabay sida farta Soomaliga loo qoro loona akhriyo, waxaana Olalahan oo aan kaligeey ku ahay hadda bilaabay 10-March 2016 insha allaaah waan sii waddi doonnaa”.

Sahra oo ka shaqaysa Isbitaalka Kismaayo gaar ahaan qaybta Shaybaarka kana mid ah Gabadhaha Sawirada qaada ayaa carruurtan ii sheegtay inay wax ku barto goobta shaqada meel ka mid ah, waxayna ii sharaxday habkey wax ku faham siiso.

”Carruurtan galinka danbe ayaan wax ugu dhigaa goobta shaqadayda, waxaan wada fariisannaa dhulka waxaan si aan dhib lahayn ugu sharaxaa sida wax loo qora gaar ahaan Soomaaliga iyo sida wax loo kiciyo,waxaan dareen siiyay inaan ahay walaashood oo kale iyaguna way ku faraxsan yihiin inaan macalinkooda saaxiibka la ah aan ahay, waxaan aamin sanahay haddii tilaabadaan lasii xoojiyo inaan heli karno jiilasha aan waxbarashada helin oo aqoon yahan ah dalkana usoo kacay, dowladdana waxaan ka codsanayaa inay ka qayb qaadato”.

Waxay iisheegtay inay aad uga xun tahay dhalinyarada boqalaalka kor u dhaafaya oo isagau jira ragg iyo dumar ee waddankooda ka tahriibaya iyagoo doonaya inay dalalka Yurub u raad sadaan nolal ka wanaagsan tay Soomaaliya ku haystaan, waxay tilmaamtay dhalinta ku halaag samay tahriibka inay u gaysay aqoon dari iyo wacyi galin la’aan ”Sababta aan Olalahan u bilaabay ayaa ah in dhalinyarada soo koraysa laga wacyi galiyo tahriibka iyo falalka foosha xun”.

Ugu danbayntii Sahra Cabdiqaadir Carte ayaa sheegtay dhalinyaradda aan fursada waxbarasho helin inay garab uga baaahan yihiin kuwa helay waqtiga waxbarasho ee dalka jooga, waxay sheegtey qof kasta oo Soomaali ah inuu waajibaad ka saaran yahay caawinta walaalkiisa aan aqoonta lahayn, waxay intaasi ku dartay hadalkeeda inay hadda qarshaha ugu jirto sidii carruurtaasi agab waxbarasho iyo dhar loogu raadin lahaa maadama ay kasoo jeedaan qoysas danyar ah oo maalintii raadinaya waxay quutaan.
1

2

3

4
Cali Cabdi Ducale
Caliducale1@gmail.com