Xafiiska xaquuqul aadanaha oo war-saxaafadeed kasoo saaray dad lagu xiray Puntland

Garowe(Puntland Post) War-saxaafadeed shalay galinkii danbe kasoo baxay xafiiska difaacaha xauuqda aadanaha Puntland ayaa lagu cambaareeyay howlgalo ciidanka ammaanku ka sameeyeen qaar ka mid ah magaalooyinka Puntland, kuwaasoo lagu soo qabtay in ka badan 380 qof waxayna siyaabo kala duwan ugu xiran yihiin magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Bosaso.

Gudoomiyaha Xafiiskan Mudane Maxamed Yuusuf Cali ayaa ku tilmaamay xirnaan shahaha dadka intaasi leeg oo aan weli maxkamad la hor keenin mid ka hor imaanaya xaquuqda qofka uu lee yahay.

Tacadiga