Raashin loo qaybiyay qoysas dan yar ah oo abaartu ku saamaysay degmada Xin-galool

110 Qoys oo ku nool dagmada Xingalool ee Gobolka Sanaag, halkaas oo ay saamaysay Abaartii gobolka ka dhacday ayaa loo qeybiyay gargaar mucaawino ah, iyadoo laga Duulayay Warbixintii Guddiga Abaaraha Puntland ka soo Gudbiyeen Deegaanka.

Qoysaskaan ayaa qofkiiba waxaa lasiiyay saddex haaf oo Raashin ah iyo caagad saliid ah, waxayna dadkaasi isugu jireen Waayeel , Indhoolayaal, Dad aan awlaad lahayn, dad Sabool ah iyo dadka Miyiga ka soo Xarooday ee xoolihii ka dhamaadeen.
Deeqdaan waxaa soo ruuriyay oo soo dhiibay ururo ay leeyihiin Jaaliyadda Reer Puntland ee Copenhegan Denmark, kuwaas oo kala ah Somali Releif Trust iyo Horn of Africa Aid. Uruurinta iyo Abaabulka gargaarkaan waxaa gacan wayn ka Gaystay Cabdinaasir Cad Ceed iyo Cabdifitaax Aadan Faarax oo fududeeayy inuu raashinkaan soo gaaro meeshii loogu talo galay.

Waxaa deeqdaan raashinka ah qeybintiisa fuliyay ururka Wadani ah oo lagu magacaabo Deegaan Releif & Development Organisation DRDO, waxaana sidoo kale gaarsiintiisa qeyb ka qaatay gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamad Yuusuf Jaamac Tigey’

Maamulka degmada Xingalool, Waxgaradka, Culuma u Diinka, Ganacsatada iyo Haweenka ayaa ka qeyb qaatay qeybinta raashinkaan iyo sida loosoo kala xulay dadka ugu nugul, waxayna kala yihiin:-

Guddoomiyaha Dagmada Xin Galool Yuusuf Faarax Siciid
Nabadoon Siciid Cabdi Wabax
Abwaan sheikh Mursal Siciid Cali Waraabe
Shiikh Cabdiraxmaan Ciise
Xaaji Maxamuud Xariir
Cabdi Caziiz Qaalib
Cabdi Faarax Warsame.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Siciid Ciyoon ayaa ka qeyb qaatay isku Xirka iyo Abaabulka mucaawinaadaan lo qeybiyay dadka abaaruhu saameeyeen.

Qoysaskii Raashinka loo Qaybiyay Waxay u Mahadceliyen Dadkii soo Dhiibay, kuwii Soo Gaarsiiyay iyo Kuwii u Qaybiyay wayna u Duceeyeen. Gobolka Sanaag Waxaa ka Dhacday abaar Gaag ma Reebtoah waxayna Dadkaasu U Baahan yihiin Gar Gaar iyo Gacan Qabasho.
576779_892899647431874_4872811095980745613_n

12963488_961811093914633_508096883877143088_n

12974303_961810457248030_906328600814430928_n

12991080_961811043914638_7416992489980472799_n

12993492_961811320581277_229472394376315840_n

12993545_961810517248024_5856492027199634802_n

13006480_961810680581341_1810821290012134684_n

DSC02307

DSC02308

DSC02309

DSC02309_1