Gudoomiyaha Haweenka Puntland oo dadaal ugu jirta sidi kor loogu qaadi lahaa dowrka haweenka ee siyaasada

Garowe(Puntland Post) Gudoomiyaha ururka Haweenka Puntland Marwo Khadro Maxamed Jaamac ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto sidii haweenka Puntland u heli lahaayeen dowrkooda ku aadan dhanka siyaasada iyo doorashada 2016 maadama xubnaha labada aqal tartar adag loogu jiro.

Khadro ayaa ka warantay dadaalkii ay u gashay in haweenku kasoo dhex muuqdaan gollayaasha deegaanada ee degmooyinka waxa kale ay sheegtay inay u qareemaan dadka danyarta ah iyo sidii ay u heli lahaayeen xaquuqdooda.

Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka oo ah %30 ayay sheegtay inay muhiim tahay inay helaan, haweenkuna ay dadaalkooda sii labo laabaan maadama lagu jiro marxaladii kala guurka.

Mamuladda dalka oo la siiyay awooda ugu danbaysa saxiixa xubnaha raadinaya labada aqal ee Baarlamaanka iyo kan sare ayaa sheegay in haweenku ay muhiim tahay inay kasoo dhex muuqdaan siyaasada dalka.

Puntland oo qayb ka ah dowladda Federaalka ayaa lagu amaanay sida haweenka loo ilaaliyo xaquuqdooda iyo kuraasta ay ku lee yihiin gollayaasha dowladda.

HOOS KA DAAWO KHADRA OO LAGA WARAYSTAY WAXA U QAMSOOMAY

PUNTLAND POST