Dowladda Marocco oo Soomaaliya ka taageeri doonta Amaanka

PUNTLAND POST-Ra’iisul wasaaraha Dowladda fadaraalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa dalka Turkiga kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda ee Morocco Salaaxudiin Miswaar, waxayna ka wada hadleen xiriirka ka dhexeeya labada dalka iyo sidii dowladda Marooco Soomaaliya uga caawin lahayd arimaha Amaanka iyo dhaqaalaha.

Wasiirka arimaha dibadda dowladda Marocco Salaaxudiin Miswaar, ayaa dhawaan sheegay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan Arimaha amaanka, balse ma faah faahin taageerada amaan ee Soomaaliya ay siinayaan.

Dowladda Marocco ayaa horay uga dhexmuuqan dalalka taageera Soomaaliya, balse kulanka Ra’iisul wasaaruhu la qaatay wasiirka arimaha dibadda ee Marocco ayaa kusoo aaday xili magaalada Istanbul lagu qabay shir looga hadlayey xaalada Soomaaliya, oo ay ka qayb galeen Ha’yaddo iyo madax kala duwan.

PUNTLAND POST