Agaasimaha cusub ee wasaradda Deegaanka oo maanta xilka la wareegtay (Sawirro)

Garowe (Puntland Post) Agaasimaha cusub ee wasaaradda deegaanka Puntland Muno Daahir Dalmar ayaa maanta la wareegtay xilka cusub ee lasoo magaacabay, waxayna xilka kala wareegtay agaasimihii hore Dr.Cabdirisaaq Bogcad oo loo badalay wasaradda Dastuurka balse ku dhawaaqay inuu xilka cusub iska casilay.

Wasiirka deegaanka iyo duurjoogta Dr. Cali Cabdulaahi Warsame, ku xigeenkiisa Faarax Cali Cabdi, wasiirka caafimaadka Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise Cuuke iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladda iyo hay’addaha la shaqeeya wasaaradda deegaanka. ayaa kasoo qayb galay munasibadda xil wareejinta.

Agaasimihii hore ee Deegaanka Dr. Cabdirisaaq Bog-cad ayaa sheegay wasaaradda deegaanku inay soo martay waqtiyo adag oo kala duwan, balse maanta ay kamid tahay wasaaraddaha ugu horeeya xaga maamul baahinta, isagoo sheegay inay xafiis shaqeynaya ku leedahay dhammaan gobolada Puntland, taasina wuxuu sheegayinay ku timid dadaal howlkarnimo ah oo ay ku tilaabsadeen madaxda wasaaradda iyo shaqaalaha.

Agaasimaha cusub ee wasaaradda deegaanka Muno Daahir Dalmar ayaa iyadana si weyn uga mahadcelisay soo dhowaynta ay kala kulantay madaxda wasaradda, waxayna sheegtay dadbadan inay ugusoo hambalyeeyeen shaqadaan cusub. Muno Dalmar waxay sheegtay inay qibradeeda iyo aqoonteeda shaqo kusoo kordhindoono wasaaradda deegaanka, balse waxay ka codsatay madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda inay ku garabsiiyaan gudashada waajibaadkeeda shaqo.

Wasiirka deegaanka Puntland Dr. Cali Cabdulaahi Warsame ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan kuna faraxsan yihiin agaasimaha csuub, wuxuuna ku tilmaamay inay tahay qof aqoonyahanad ah, meelo badan kasoo shaqeysay islamarkaana lehna qibrad shaqo. Dr. Cali Cabdulaahi Warsame wuxuu balanqaaday mas’uuliyiinta wasaaraddu inay agaasimaha cusub si wanaagsan ula shaqayndoonaan kuna garabsiindoonaan mas’uuliyadeeda shaqo.

Wasiirka caafimaadka ayaa sidoo kale u mahad celiyay agaasimihii hore ee wasaaradda deegaanka Dr. Cabdirisaaq Bog-cad, isagoo ku ammaanay inuu yahay nin shaqo yaqaan ah oo wax badan usoo qabtay wasaaradda deegaanka intii uu joogay.

IMG_2410

IMG_2223

IMG_2246

IMG_2249

IMG_2252

IMG_2261

IMG_2262

IMG_2266

IMG_2279

IMG_2281

IMG_2285

IMG_2289

IMG_2290

IMG_2291

IMG_2296

IMG_2302

IMG_2308

IMG_2311

IMG_2317

IMG_2333

IMG_2346

IMG_2347

IMG_2353

IMG_2369

IMG_2391

IMG_2393

IMG_2395

IMG_2396

IMG_2410

IMG_2415

IMG_2418

IMG_2419