Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo ka qayb galay munaasid arday ka qalin jabisay Jaamacadda PSU

Garowe(Puntland Post)Jaamacadda Puntland State {PSU} ayaa waxaa qalinjabiyey arday dhameystay kuliyadaha Barashada Cilmiga Bulshada Gaar ahaan Development Study Iyo Kuliyadda Dhaqaalaha,Ganacsiga Iyo Tirakoobka gaar ahaan Qaybta dhaqaalaha.

Munaasibada qalinjabinta oo ka dhacayday hoolka shirarka jaamacadda PSU ayaa si heersare ah loo soo diyaariyey, waxaana ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Camey , marwada madaxweynaha Hodan Ciise Hogaamo, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Puntland Abshir Aw yuusuf Ciise, Xilibaano, Gudoomiyaha jaamacadda PSU Maxamud Sheikh Xaamid, Suldaan Siciid Maxamed Garaase, Aqoonyahano,Ganacsato,Walidiin,Maamulka iyo Macalimiinta iyo marti sharaf kale .

Munaasabada inta ay socotay waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiin badan kuwaas oo hambalyo udiray ardaydii maanta dhameysatay heerka kowaad ee jaamacadda PSU.

Waxaa ka hadlay gudoomiyaha jaamacadda PSU Maxamud Sheikh Xaamid oo ka waramay marxaladiihii ay soo martay jaamacadda iyo horumaradda ay ku tilaabsatay jaamacaddu, sidoo kale waxaa uu gudoomiyuhu hambalyo u diray ardayda qalin jabisay isagoona ku bogaadiyey in ay sii wataan waxbarashadooda.

Sidoo kale, waxaa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Puntland Abshir Aw yuusuf Ciise oo aad ubogaadiyey horumarka ay jaamacaddu ku tilaabsatay sidoo kalana hambalyo u diray ardayda maanta jaamacadda dhameysay.

Marwadda madaxweynaha Puntland Hodan Siciid Ciise ayaa sidoo kale halkaasi ka hadashey iyadoona bogaadin halkaasi uga jeediyey jaamacadda PSU dadaalkeeda ku aadan soo saarista jiilka cusub ee hogaamiyayaasha, sidoo kalana hambalyo iyo farxadba la wadaagtay ardayda qalin jabisay.

Ugu danbayn waxaa halkaasi ka hadlay oo soo gaba-gabeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland isoogana aad u bogaadiyey talaabooyin hormarka leh ay ku tilaabsatay jaamacadda PSU dhanka kalena wuxuu bogaadiyey ardayda maanta dhameysatay shahaadada kowaad ee jaamacad.

Gaba-gabadii waxaa halkaasi shahaadiyo lagu gudoonsiyey Isimadda Puntland taas oo ahayd doorkii ay ka soo qayb qaateen nabad galyadda Puntland.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11