Masuuliyiin ka socda Jubbaland oo Garowe u yimi waayo aragnimo shaqo iyo wax kororsi

Garowe(Puntland Post)Mas’uuliyiin ka socda waxbarashada Jubbaland oo maalmahan ku sugnaa Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa ujeedadedu ahayd inay khibrad iyo aqoon ka qaatan Waxbarashada Puntland say u shaqayso Wasaaradda Waxbarashada Puntland, gaar ahaan xafiiska Imtixamaadka iyo Waaxdda Tayenta iyo Tayo-dhowrka iyo Manahijta Waxbarashada.

Wafdigaan Waxbarashada Dowlada Federalka iyo Jubaland oo kamid ah kulama isdaba socda oo uu Wasirkii hore ee Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax siciid (Juxa ) soo xiriiriyey. isagoo dhinaca Waxbarashada Dowlada Federalka kala shaqeeyo Maamul Goboleedyadda.

Shaqaalaha ka socday Wasaaradaha Jubaland iyo Dowlada dhaxe ayuu kulamo la qaatay Dhammaan agaasimayasaha waaxyaha waxbarashada Puntland iyadoo kulanaka ujeedadiisu ahayd sidii la iskaga kaashan lahaa xiriirka waxbarasho ee ka dhaxeeya Maamul Goboleedada Soomalia iyo sidii khibrad dheerada uga heli la hayeen waxbarashada Puntland.

Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa ugu horeyntii u soo gudbiyey dhambaal hambalyo shaqalaha ka socda Maamul Goboleedyada Waxbarashada waxa uuna sheegay in Wasaaradda Waxbarashada dowlada Puntland diyaar u tahay siidii loo xoojinlaha xiriirka Waxbarasho Maamul Goboleed yadda Ka dhaxeeya.

Wafdigaan waxayn ka koobnaayeen agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada jubaland iyo saraakiil kale , waxayna socdaal qiimayn ku tageen Jaamacadad Tababarka Maclimiinta ee (GTEC) iyo Dugsiga sare ee Gambool.

Socdaalkooda waxaa ku wehlinayay agaasimaha Waaxdda Tayenta waxbarashada Abdulqadir Yuusuf Nuux iyo agaasimaha imtixaamaadka Puntland Axmed Maxamuud Warsame (Saahid) iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Nugaal Xaashi xuseen Faarax, kuwaas oo wafdigaan kusoo wareejiyay dhammaan qeybaha waxbarashada jaamacaddaaha iyagoo la kulansiiyay maamulayaasha iyo macalimiinta jaamacaddaha iyo sidoo kale ardayda.

Dhinaca kale wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa wafdigaan muddo labo maalin ah u qabatay saminaar lagu barayay nidaamka waxbarasho Puntland sida habka loo qaado imtixaanaadka guud, macluumaad kale oo muhiim ah oo hoos yimaada heerarka waxbarashada Puntland.

Ugu danabyntii Wafdigaan waxbarasho ayaa sheegay inay u riyaaqeen nidaamka waxbarasho ee ka jira Puntland, iyagoo tilmaamay inay qibrad weyn ka qaateen intii ay ku suganyihiin Puntland. Sidoo kale waxay sheegeen inay hadda kadib iskaashi waxbarashada la samayndooonaan wasaaradda Waxbarashada Puntland.
1

2

3

4

5

6

7

8

9
PUNTLAND POST