Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo bogaadiyay wax soo saarka beeraha Puntland

DSC00336Garowe(Puntland Post) Wasaradda Beeraha iyo waraabka Puntland ayaa maanta xustay maalintii loo asteeyay maalinta beeraha Puntland kuna beegan 12-ka April balse maanta la xusay.

Munaasibadan oo lagu qabtey xarunta Hay’adda PDRC ee Garowe waxaa ka qayb galay madaxwayne ku xigeenka Puntland, xubno ka socda Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Beeraha iyo waraabka Puntland Cabdilaahi Cali Xirsi oo munaasibada ka hadlay ayaa marka hore sheegay maanta inay tahay maalin qiimo ugu fadhida maadama la xusayo wax soo saarka beeraha Puntland, wuxuu sheegay inay wasaraddu ka go’an tahay sidii loosii horumarin lahaa beeraha Puntland.

Xirsi wuxuu sheegay beeraha Puntland inay ku tilaab sadeen horumar muuqda balse waxa uusan meesha ka saarin inay jirto caqabado haysa oo ku aadan kaalmadii hay’addaha caalamiga ah iyo dadka beeralayda oo ah kuwa danyar ah oo aan awoodi karin inay helaan dhammaan agabka wax soo saarka.

Qaar ka mid ah goobaha wax soo saarka ayaa caqabad ku ah jidadka kuwaasoo u saamixi waayay inay suuq u raadiyaan khayraadka deegaanka meelaha sida aadka ah waddooyinka uga cabanaya waa Cal-madow iyo Gardufuul.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay oo khudbad kasoo jeediyay madasha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay wax soo saarka beeraha Puntland wuxuuna ku ammaanay siday ugu heelan yihiin inay mar walba is-badal muuqda sameeyeen.

PUNTLAND POST