Madaxwayne Gaas iyo wafdigiisa oo kusoo wajahan Puntland

gaas-kismayo-2Muqdisho(Puntland Post) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali (Gaas) iyo wafdigiisii ka qayb galay shirka Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta soo gaaraan caasuamdda Garowe.

Sarkaal ka tirsan wafdiga Gaas ee Muqdisho ayaa Puntland Post u sheegay saacadaha soo socda inuu wafdigu soo gaaro Garowe ayna si wanaagsan kusoo dhammaatay shirarkii madasha wadatashiga qaran ee Doorashada, maadama go’aanka lasoo saaray uu yahay mid lagu dar dar galiyo qabsoomida doorashada iyo waqtigii loogu talo galay.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka Muqdisho waxa uu xambaarsan yahay inta badan heshiiskii Garowe, taasoo dadka falanqeeya Puntland ay tilmaamayaan in halkaasi Puntland guul kala soo hoyatay maadama xalka ugu danbeeya uu noqday in doorashada lagu galo hanaanka 4.5.

PUNTLAND POST