Taliyaha ciidanka Booliska Puntland oo magacabaay guddi kala saari doono dadka howlgalada lagu soo qabto

20160412_092542Garowe(Puntland Post) Maanta oo Talaado ah waxaa Garowe kulan isugu yimi Saraakiisha Booliiska Puntland, kuwaas oo ka shiray Amaanka guud ee Puntland iyo howlgalo ciidamada amaanku ka wadaan magaalooyinka waaweyn.

Kulan oo ay ka qayb galeen Saraakiisha taliska booliiska ayey uga hadleen sidii looga hortagi lahaa falal amni daro oo Al-shabaab ka gaystaan gudaha Puntland.

Taliyaha booliiska Puntland Cabdirisaaq Afgaduud ayaa warbaahinta uga warbixiyey kulan ay maanta yeesheen, waxaana uu sheegay inay uga hadlaan sidii booliisku uga hortagi lahaa falal amaanka lidi ku ah oo Al-shabaab ka gaystaan gudaha Puntland, wuxuuna intaa ku daray inay isku xogwaray sanayeen.

Afgaduud ayaa sidoo kale sheegay inay magacaabeen guddi kala saari doono dadka lagu soo qabto howl galada ka socda magaalooyinka waaweyn, kuwaas oo isugu jira kuwa looga shakisan yahay Al-shabaab iyo kuwo Tahriibayaal ah, guddiga ayuu tilmaamay inay hogaamin doonto laanta dambi barista Puntland (CID).

Xabsiyada ku yaal magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxaa ku xiran dad badan oo lagu soo qabtay howlgalo ciidamada amaanku ka sameeyeen, dhawaan waxaa Garowe lagu qabtay 15 nin oo guri wada daganaa, kuwaas oo lagu tuhmayo Al-shabaab.

PUNTLAND POST