Howlgalo ammaanka lagu sugayo oo laga bilaabay magalada Gaalkacyo

Gaalkacyo(Puntland Post) Howlgalo ammaanka lagu adkaynayo ayaa laga bilaabay magalo madaxda Gobalka Mudug ee Gaalkacyo.

Goobaha dadku ku badan yihiin iyo wadooyinka muhiimka ee magalada Gaalkacyo ayaa lagu arkayaa ciidamo baaritaan ku samaynaya dadka iyo gaadiidka waxa kale ay sheegeen dadka baaritaanka lagu samaynayo inay ku faraxsan yihiin baaritanadaan oo qayb ka qaadanaya adkaynta amniga.

Mamuladda Gobaladda Puntland ayaa sidoo kale bilaabay inay wada shaqayn dhow la yeeshaan dadka kasoo jeeda gobaladda Koonfurta Soomaaliya si gacan loogu dhigo cid kasta oo ammaanka kasoo horjeeda.

Halkan ka daawo Cabdiqani Bardacad oo ka tirsan Puntland Tv war bixin muuqaal ahna ka diyaarshay magalada Gaalkacyo.