Ciidanka oo gacanta kusoo dhigay rag Al-Shabab lala xiriirinayo oo Garowe ku dhuumanayay

Garowe(Puntland Post) Taliyaha ciidanka booliska Gobalka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa 9-ka Bishaan April sheegay howlgal ay ciidanku ka fuliyeen guri ku yaala caasumadda Garowe ay kusoo qabteen rag lala xiriirinayo kooxda Al-Shabab oo tiradoodu gaarayso 15-qof, kuwaasoo derayskooda siday sida uu sheegay taliyaha.

Hadalkan ayuu sheegay xilli uu la hadlayay Puntland Tv wuxuu sheegay inay sidoo kale ciidanku la wareegeen gurigii ay ku dhuumanayeen maadama horay go’aan mamulka Gobalka Nugaal uga soo saaray cidii lagu qabto Al-Shabab ku dhuumanaya guryaha Garowe ay dowladdu la wareegayso.

Taliye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay inay habeen iyo maalin u taagan yihiin ka shaqaynta ammaanka, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay nabad-galyada kala shaqeeyaan ciidamada Amniga.

Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ma uusan cadeyn raggan lasoo qabtay halka ay kasoo galeen magalada Garowe, waxayna kusoo aadaysaa xilli howlgalo xoogan ay ka socdaan magaalooyinka kuwasoo looga hortago weeraro ka yimaada kooxda Al-Shabab.

Kooxda Al-Shabab ayaa dhowaan weerar kusoo qaaday xeebaha Mudug iyo Nugaal balse dagaal ay kala kulmeen ciidanka Puntland ay ku jabeen.


PUNTLAND POST